Xisbiga Waddani oo Soo Dhaweeyay Xabad-joojintii Xukuumaddu Ku Dhawaaqday

0
1214

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa waxaa uu soo dhaweeyay xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday Xukuumadda Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in xisbigiisu soo dhawaynayo xabadjoojinta shuruud la’aanta ah.

Waxaanu guddoomiyaha xisbiga Waddani ku baaqay in dhinacyadu ay wadahadal miiska iskugu yimaadaan.

Xirsi, ayaa waxaa uu sheegay in ay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaataan, wadahadal iyo dadaalkasta oo la doonayo in si nabada loogu dhameeyo xiisada ka taagan magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland, ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, iyada oo sheegtay in ay joojinayso xabada kadib dhowr cisho oo magaalada Laascaanood ay ka socdeen dagaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here