Xukuumadda oo Hirgelinaysa Xafiis Qaabilsan Faaf-reebka Qoraallada Buugaagta

0
1999

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay gacanta ku hayso hirgelinta hay’ad dowladeed oo qaabilsan faaf-reebka Buugaagta ay qoraan bahda Qalinleyda ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta hadal ka jeediyey daah-furka Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo sannadkii 14aad galay, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan gacanta ku hayaan sameynta Xafiis faaf-reeb oo ay ka hawl-geli doonaan khubaro ku xeel-dheer qoraalka Af-Soomaaliga. Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in qorshaha ka dambeeyey hirgelinta xafiiska oo ay ka qayb-qaadan doonaan khubaro ku xeel-dheer Qoraalka Afka Soomaaliga ay tahay sidii ay u dhiirri-gelin lahaayeen hal-abuurka qoraalka.

“Waxaanu sameyn doona Xafiis faaf-reeb oo imika faraha lagu hayo, waa xafiiska aanu isleenahay, waxaad isugu-geysaan dad khubaro ah oo sixi kara qorista buugaagta bulshada lagu soo dhex-daynayo,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaanu doonaynaa inaanu dhiiri-gelino qorista oo ay bulshadu ka faa’iidaysato inay dadku wax qoraan”.

Tallaabada xukuumaddu ku hirgelinayso xafiiskan oo aan la sheegin hay’adda dowladeed ee uu hoos imanayo, ayaa noqonaysa markii u horeysay ee Somaliland laga hirgeliyo xafiis qaabilsan faaf-reebka qoraalka.

Lama oga in shaqada xafiiskani qaabilsanaan doono ku kooban tahay faaf-reebka buugaagta oo kaliya, balse marka la eego qaabka ay u shaqeeyaan hay’adaha shaqada noocan ah qabta oo waddamo badan ka jira, kuwaas oo aanay shaqadoodu ku koobnayn qoraallada balse sidoo kale hawl-qabadkooda uu ka mid yahay faaf-reebka wararka iyo warbixinaha warbaahinta laga sii daayo.

Waddamada deriska oo uu ka mid yahay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, waxa ka jira xafiisyo dowladeed qaabilsan faaf-reebka wararka iyo warbixinaha laga sii daayo warbaabinta madax-bannaan, kaas oo maamul ahaan hoos yimaadda wasaaradda Warfaafinta dalka Jabuuti. Xafiiskan ayaa faaf-reeb iyo dib u eegis ku sameeya wararka laga sii daayo telefishannada madax-bannaan iyo mareegaha Wararka oo aan baahin karin warar iyo qoraallo aan xafiiskan soo marin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here