Hay’adda Caymiska Qaranka oo Soo Saartay Go’aan Ka Dhan Ah Gaadiidleyda

0
1551

Hargeysa (Hargeisa Press) – Hay’adda Caymiska Qaranka, ayaa Sabtida maanta soo saartay go’aan ku waajibinaya gaadiidleyda inay iska diiwaan-geliyaan ama ku biiraan shirkadaha Caymiska laga bilaabo 24-ka bisha July oo maanta ku beegan.

Hay’adda Caymiska Qaranka waxa ay sidan ku shaaciyey Kulan ay isugu yeedhay mulkiileyaasha iyo maamuleyaasha Shirkadaha Caymis ee gaarka loo leeyahay.

Waxaana kulanka goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe iyo Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo Madax-dhaqameedka dalka qaarkood.

Ugu horeyn, waxa kulanka ka hadlay oo faahfaahin ka bixiyey amarka cusub Agaasimaha Guud ee hay’adda Caymiska Qaranka Cabdiraxmaan Muuse Cabdi oo tilmaamay muhiimadda uu gaadiidleyda u leeyahay adeegga caymiska ee ay qabtaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka ka dhisan.

Waxa kale oo munaasibadda hadallo ka jeediyey qaar ka mid ah maamuleyaasha Shirkadaha Caymiska ee gaarka loo leeyahay, kuwaas oo ugu weyn tahay shirkadda Takaful Insurance of Africa, waxaanay soo-dhaweeyeen go’aanka ay soo saartay hay’adda Caymiska Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here