Sarkaal ka tirsan millateriga North Korea ayaa Warbaahinta u sheegay in Gantaalladaan oo ah kuwa riddo-gaaban oo 310-mayl gaaraya ayaa laga ganay xeebta waqooyiga Dalkaas ku taalla.
Tijaabada gantaalladan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan xukuumadda Pyongyang ay ku goodisay inay isticmaali doonto Nuclear, Haddii khatar dhanka ammaankeeda ah oo kusoo wajahan ay dareento.

Warbaahinta Waddanka Kuuriyada Waqooyi ayaa baahisay Maanta oo Khamiis ah muuqal uu Madaxweynaha Waddankaas Kim Johng-un uu ku sheegay in gantaallada ay tijaabiyeen ay yihiin kuwa lagu xidhi karo Nuclear-ka, ayna gaadhi karaan masaafooyin aad u fog.
Sidoo kale, Cuno-qabteyntii ay Qaramad Miboobay dhawaan kusoo Rogtay Xukuumadda Pyongyang ayaa lagu Xusay in aan Dalkaas laga iibin karin wax hub ah, sidoo kalena aanan xamuullo ay ka mid yihiin kwa hubka ah laga gelin karin badda, dhulka iyo cirka intaba.
Ugu dambeyn, Tijaabadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda ay dhoolla-tus millateri wadajir u sameeyaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, taas oo ka dhici doonta badda dalkaas oo uu muran ka taagan yahay.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com