Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo Qorshaynaysa In Ay Haamaha Shidaalka Berbera Ay Ku Wareejiso Shirkad Musuq Maasuq Uga Samaysay Wadamo Afrika Ku Yaala

0
766

Hargeisa (Hargeisapress)- Xukuumada somaliland ayaa qorshaynaysa inay wareejiso maamulka haamaha kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera.

Warar soo shaac baxay ayaa xaqiijinay in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ay doonayso inay in maamulka haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera u gacan galiso shirkad lagu magacaabo TRAFIGURA oo ka diwaan gashan wadanka Singapore isla markaana laga leeyahay wadanka Faransiiska.

Xukuumada somaliland wali kamay hadal isla markaana si toos ah umay soo bandhigin qorshaha ay doonayso inay ku wareejiso maamulka Haamaha shiidaalka ee Berbera, balse waxa jira amar ka soo baxay maareeyaha haamaha shiidaalka Xasan Embassy kaas oo ay ganacsatada isticmaasha haamuhu ay dareen taban ka muujiyeen.

Amarka uu maareeyaha haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera Xasan Embassy uu soo saaray oo si toos ah ugu socda ganacsatada isticmaasha haamaha shiidaalka ayaa ganacsatadu rumaysan tahay inuu hordhac u yahay qorshaha ay xukuumadu doonayso inay ku wareejiso haamaha maadaama oo aanay jirin inay dalka keenaan shiidaal ay ku badan tahay maadadaas uu maareeyuhu digniinta ka soo saaray.

Halkan Hoose Ka Akhriso Wareegtada Maareeyaha Haamaha Shiidaalka

Sidoo kale, masuuliyiin ka socday shirkadan TRAFIGURA ayaa 27-kii February kulan gaar ah magaalada Hargeysa kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici kaas oo wararku sheegeen in Saylici ay hordhigeen qorshaha ay doonayaan in loogu gacan galiyo maamulka haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera.

Dhinaca kale, Shirkadan ay xukuumada Somaliland doonayso inay ku wareejiso haamaha shiidaalka ee Berbera ayaa ah mid hore uga soo shaqaysay wadamo ka mid ah qaarada Afrika taas oo lagu eedeeyo musuq maasuq iyo dhibaato ay u gaysatay deegaanka Bada.

Halkan Guji Oo  Kaga Bogo Warbixin Shirkada TRIFUGRA Laga Qoray 23 July 2010 taas oo daaha ka qaadaysa hagardaamooyin ay ka gaysatay wadanka Ivory Coast.

Halkan Guji Si Aad Uga Bogoto Ganaax Ay Brazil Ku Riday Ka Dib Markii Dambi Lagu Helay

Halkan Guji Si Aad U Akhrisato Warbixin Laga Qoray Mar Musuq Maasuq Lagu Qabtay

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here