Xukuumada Waxa Laga Sugayay Inay Nabadgalyada Ilaaliso, Balse Loogama Fadhiyin Inay Nabadgalyadaro Abuurto. By. Mohamed Gacayte

0
975

Jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland waxa saldhig u ah Nabadgalyada, waana waajib saaran qof wal oo muwaadin ah wax kasta oo wax u dhimaya ama dhaawacaya nabadgalyada. Shacabku waxay ka mid yihiin tiirarka ugu waa wayn ee nabadgalyadu ku dhisantahay waxay ka midaysanyihiin wax kasta oo dhaawacaya ama khalkhal galinaya guud ahaan amniga dalka, waxay si toosa ula shaqeeyaan Ciidamada Qaranka oo hadh iyo habeen ba heegan ugu jira ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida dalka.

 

Nabadgalyadu waa masuuliyad ina wada saaran shacab iyo dawladba, waxayna u baahantahay in hareeraha lawada qabto oo meel looga soo wada jeedsado. Hadaba Xukuumada maanta jirtaa waxay u muuqataa mid iyada lafteeda masuul ka ah dhibaatooyin badan oo dalka ka dhacaya kuwaas oo dhaawac wayn u gaysan kara wada jirka iyo isku duubnida bulshada. Talaabo kasta oo la qaadayo waxay u baahantahay in laysku miisaamo si meesha looga saaro inay dhibta shaygaasi ka bato dheefta laga helayo.

 

Maanta waxa muuqata in Xukuumada Siilaanyo ay qaaday talaabooyin badan oo aan laga fiirsan dhibaatooyin badan oo gaadhay heer dhimasho iyo dhawaacna laga dhaxlay. Waxa ugu badan ee umada iska horkeenayaana tahay Go,aano is burinaya oo kasoo baxay xafiisyo dawli ah. Tusaale fiicana u ah in layska horkeeno bulshada si khalkhal loo galiyo daganaanshaha iyo xasiloonida amniga.

 

Maanta waxaynu ognahay khilaafka cakarin ee ka taagan TIYAATARKII Hargeysa oo maraya halkii ugu saraysay sababina kara nabadgalyo daro. Dhibaatadaa waxa ka masuula Xukuumada, waana qorshe loogu talo galay in Bulashada lagu kala qaybiyo oo layska horkeeno. Ma muuqato xalkii arinkaa lagu dhamayn lahaa xukuumaduna may marin talaabadii ugu haboonayd ee lagu dhamayn lahaa dhibaatada ka timid (Baarkinka Tiyaatarka Hargeysa). Ilaalinta Nabadgalyadu cid gaar ah dan uma ah ee waa mid dan inoo wada ah dawlad iyo shiciba.

 

Hadii xukuumadu ilaalin waydo nabadgalyada oo talaabooyinka ay qaadayso yihiin kuwa sababta u ah arimaha taagan ee wax udhimi kara amniga. Waxaan ugu baaqayaa Shacabka Somaliland mid ha ahaado, dul halaysku yeesho waa laydin kala qaybinayayaaye ka foojignaada oo isku duubnaada wixii jiraaba cakaara ayay iman ninka dhibta iyo fidnada wadaa wuu soo bixi horteenana wuu iman.

 

 

Alaa mahad leh

Guul iyo Gobanimo

Mohamed Gacayte

Hargeysa/Somaliland

Gacayte09@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here