Xukumadda Somaliland Oo Fariin Soo Dhawayn Iyo Bogaadiin Ah U Dirtay Wasiir Kasoo Dhex Muuqday Golaha Wasiirada Cusub Ee Djibouti Oo Socdaal Ku Yimi Magaalada Hargeysa

0
910

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa dhambaal bogaadin ah u dirtay mid kamid ah wasiirrada cusub ee xukuumadda uu soo dhisay madaxweynaha Jabuuti shalay, kaasi oo intaan la magacaabin ka hor hawlo muhiim ah ka qabtay magaallada Hargeysa oo uu socdaal ku yimi.

 

Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa dhambaal Hambalyo ah u dirtay, sidoo kalena soo dhaweysay wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dalka Jabuuti Mr. Xasan Maxamed Kaamil, oo ahaa Xoghayihii guud ee xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland, kuna saxeexan yahay Agaasimaha guud ee wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, ayaa u dhignaa sidan:

 

“Wasaaradda dhallinyarada dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland waxay Hambalyo iyo soo dhaweyn u diraysa wasiirka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha wadanka Jabuuti maalintii shalay loo magacaabay Mr. Xasan Maxamed Kaamil, oo ahaa Xoghayihii guud ee xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti. Wasiirkan cusubi wuxuu ahaa masuulkii hogaaminayey khubaradii ka socday xidhiidhada kubadda cagta FIFA iyo CAF ee tababarka siiyay Garsoorayaasha iyo Tababarayaasha kubadda cagta Jamhuuriyadda Somaliland, tababarkaas oo faa’ido baddan u lahaa ka wasaarad ahaan”.

2-35-740x592

“Mr. Xasan Maxamed Kaamil wasiirka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jabuuti, waa shakhsi ay ka go’an tahay horumarka dhanka ciyaaraha Somaliland, sidoo kale waa shakhsi kaalin weyn ku leh xidhiidhka ka dhaxeeya wasaaraddaha ciyaaraha Somaliland iyo Jabuuti, iyo sidoo kale xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha labada dal”.

 

“Mar labaad waxaanu leenahay wasiirka cusub Hambalyo, waxaanan kuu rajeynaynaa in ILAAHAY kugu asturo xilka wasiirnimo ee laguu magacaabay, waxaanan fileynaa inaad dedaalkaaga, kartidaada iyo daacadaada inaad sida ugu fiican ugu shaqeyn doonto Ummadaadda, Dawladdaada iyo Dhallinyarta reer Jabuuti. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele isna waxaan ku bogaadineynaa inuu masuul u qalma u xushay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here