Baaq Ku Socda Kooxda Xidigaha Geeska Qalinka: Axmed Cismaan Batuun

0
1538
Axmed Cisman Batuun

Hargeysa, (HargeisaPress) —Fanka soomaalida oo taariikh ahaan ah mid doorar muhiima kasoo qaatay kaalmaha nololeed ee bulshada sida la dagaalankii gumaystaha,isla markaana in badan oo dadka ka mid ahi aaminsanyihiin inuu ka mid yahay waxyaabaha sahla in mujtamaca la gaadhsiiyo farriimo,dhacdooyin ama ujeedooyin ayaa waqtiyadii dhexe la aaminsanaa inuu liicay isla markaana uu noqday baytimaal iyadoo loo aanaynayo arrimo dhawra oo ay qayb ka qaateen dagaalo ka hollcay mandaqadda bariga africa,sida dagaaladii dib u xoraynta somaliland iyo kuwo kale.

 

hadii aynu dul xaadinay taariikhda iyo liicistii fanka ku habsatay ee waqtiyo aan sii fogayn taasi ma noqon mid rajo beel ka dhigtay bahda fanka balse waxaa meelo badan ka bilaabmay dadaalo lagu noolaynayo laguna toosinayo fanka waxaana saldhig u ahayd inta badan jamhuuriyadda somaliland oo la aaminsanyahay inay marka horeba ahayd tiirdhexaadka fanka soomaalida guud ahaan.

 

Aan ku dhawaado ujeedada qoraanlkane sanadihii u danbeeyay waxaa dhagaha maqalkoodu aad  u barteen koox faneed caan ka noqotay gayiga lagaga hadlo afka soomaaliga oo la yidhaahdo xidigaha geeska kuwaas oo si lama filaana ugasoo mudhay fagaareyaasha isla markaana xiise galiyay dad badan oo ka niyad jabay fanka iyo suugaanta.

 

Kooxdan waxaa aasaasay dhalinyaro abwaano ah oo aan ka xusi karo abwaanka waqtigan u ah gudoomiyaha ee abwaan xasan dhuxul oo laabsaalax loo garan ogayahay xaqiiqo ahaana waxay noqotay kooxdani mid soo jiidatay indhaha soomaali badan oo aaminsanaa inuu dhintay fanku,waxaanay qaadeen talaabooyin badan iyagoo soo saaray heeso iyo masrixiyado badan oo mahadho reebay aadna looga helay,ilaa imikana ay kaga jiraan kaalin muhiima.

 

Waxaa hadaba maalmihii u danbeeyay ka muuqday warbaahinta khilaaf ka jirra kooxda gudeheeda kaasoo ka dhashay arrimo ay ahayd in aanay soo gaadhin taageerayaasha faraha badan ee u hanwayn kooxdan xidigaha isla markaana ka filayay inay ku talaabsadaan horumar ka badan kii hore,taasoo keentay in dad badani ka walaacaan.

 

Geesta kalana wuxuu khilaafkani kusoo beegmay xilli xasaasi ah oo lagu jiro 25 guurada lasoo noqoshada madaxbanaanida jamhuuriyadda somaliland,tasoo kooxduna ay kaalin muuqata ku leedahay waxna ka qabanqaabinayso.

waxaan hadaba kula talinayaa kooxda xidigaha geeska inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda isla markaana ilaaliyaan wadajirka iyo midnimada kooxda iyagoo eegaya kaalinta ay ugu jiraan bulshada iyo muhiimadda muuqashadooda oo ah isku duubni iyo isu tanaasul.

 

Sidoo kale waxaan ka codsanayaa kooxda inay  muujiyaan lexejeclada ay ka qabaan fanka iyo qiimaynta taageerayaashooda tirada badan  isla markaana ay laabta u qaboojiyaan iyagoo ah sidii ay ku barteen indhaha iyo dhagaha dadku.

 

Sidoo kale masuuliyiinta kooxda,abwaanada,iyo musdanbeedka kooxdan waxaan kula talinayaa inay si degdeg ah  u xalliyaan una soo afjaraan khilaafka ka jira kooxda gudeheeda kaasoo ah mid si fudud loo xallin karo.

 

Qodobadan kor ku xusani waxay dawo ka yihiin muranka aan buurnayn ee maalamahan laga dareemayay kooxda dhexdeeda waxaanan aaminsanahay in aanay muuqanin sababo loo buunbuuniyo iyo sabab loosii balaadhiyo.

 

ugu danbayna anigoo aaminsan in kooxdani ay tahay koox mustaqbal ku leh halka ay doorbideen ay u galaan bulshada isla markaana aad loogu hanwaynyahay,waxaan u rajaynayaa kooxda in ay noqdaan kuwo ku kala socda nidaamka iyo shuruucda u dejisan isla markaana muujiya isu tanaasul iyo isu dulqaadasho taasoo ah furaha jiritaankooda oo ay ku gaadhi karaan himilada  ay leeyihiin kuna kasban karaan kalsoonida dhamayska ah ee bulshooyinka u dheg taagaya.

 

gabogabada qoraalkan waxaan codsi ugusoo jeedinayaa fanaaniinta waawayn ee dalka iyo bahda suugaantu inay qaybtooda ka qaataan xallinta khilaafka kooxda xidigaha geeska oo ah koox faneed loo baahanyahay in laga wada qaybqaato ilaalinta wadajirkooda iyo isku duubnidooda oo ay faa,iido ugu jirto bulshada,iyo bahda fanka iyo suugaantaba.

 

 

 Qalinka: Axmed Cismaan Batuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here