Xisbiyada Sweden oo ka Dalbanaya Baarlamaanka Aqoonsiga Somaliland

0
1406

Stockholm (HargeisaPress)- Xisbiyada dalka Sweden ayaa la sheegay inay ka dalbanayaan baarlamaanka aqoonsiga Somaliland, isla markaana ololahiisa ku jiraan laba xisbi oo dalka ah.

Markus Wiechel, xildhibaan ka tirsan guddiga Arrimaha Dibedda ee baarlamaanka Sweden ayaa sheegay inuu sagaal sannadood horteed mooshinkii u horeeyey ee aqoonsiga Somaliland uu baarlamaanka u gudbiyey.

Xildhibaan Wiechel ayaa Khamiistii fariin ku baahiyey bartiisa Twitter ayaa ku sheegay in laba xisbi oo Sweden ah dabada ka riixayaan aqoonsiga Somaliland, waxaanu yidhi, “Maanta gabi ahaanba way ka duwan tahay. Laba xisbi oo kala ah Sverigedemokraterna iyo Christian Democrats ayaa dabada ka riixaya in la ictiraafo, arrintuna waa la isla soo qaaday, aniga iyo saaxiibadeyda aan isku dhow nahay maaha.

Md. Weichel ayaa loo doortay gudoomiye-xigeenka kooxda saaxiibtinimada Somaliland iyo Sweden ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay Safiirka Somaliland Sakariye Wacays iyo ergeyga gaarka ah ee Somaliland Mikael Torstensson.

Had iyo jeer waan ku faraxsanahay inaan la kulmo labadan mudane. Guddoomiyaha kooxda saaxiibtinimada waa Magnus Oscarsson oo ka tirsan xisbiga Christian Democrats.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here