Xisbiyada Qaranka oo Ka Hadlay Tirinta Codadka Degmada Hargeysa

0
1577

Hargeisa (Hargeisa Press) – Hoggaanka saddexda xisbi qaran ee Somaliland u qaabilsan komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa ka hadlay halka marayso tirinta codadka degmada Hargeysa iyo degmo doorashooyinka hoos yimaada.

Hoggaanka xisbiyada qaranka oo warbaahinta qaranka la hadlay, ayaa waxa ka mid ahaa Ismaaciil Aadan Cismaan oo xisbiga WADDANI u qaabilsan komishanka doorashooyinka qaranka, guddoomiyaha degmada Hargeysa xisbiga Kulmiye ugu qaabilsan komishanka doorashooyinka Cabdikaxkiin Bustaale iyo xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi.

Geesta kale, masuuliyiintaas xisbiyada qaranka ee hadlay tirinta codadka degmada Hargeysa, waxay sheegeen in illaa hadda komishanka doorashadooyinku ay hawsha tirinta u wadaan si haboon, isla markaana aanay jirin wax cabsho wayn ah oo carqaladayn kara habsami u socodka tirinta codadkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here