Xisbiga Waddani Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyey Siyaasi Axmed Like Iyo Taageerayaal Ka Soo Diga Rogtay Xisbiga Kulmiye + SAWIRRO

0
1411

Hargeysa, (HargeisaPress — Munaasibad balaadhan oo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu ku soo dhaweynaayey siyaasi Axmed Xasan Cali (Like), Haween, Dhalinyaro iyo taageerayaal kale oo ka soo diga rogtay xisbiga Kulmiye, kuna soo biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa lagu qabtay hotel Crown ee magaalada Hargeysa.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Waxaana munaasibadan ka soo qeyb-galay guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), gudida fulinta, hoggaanka xisbiga, garabka haweenka, garabka dhalinyarada, xildhibaano, madax-dhaqameed, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES

Siyaasi Axmed Xasan Cali(Like), oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa si aada ugu mahad celiyey mas’uuliyiinta xisbiga Waddani sida qiimaha badan ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay in uu kaalintiisa ka qaadan doono sidii uu xisbiga Waddani uu ugu guulaysan lahaa talada dalka.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta aniga iyo taageerayaashayda oo kala jooga dhammaanba gobalada iyo dalka dibaddiisuba aan ku soo biro xisbiga Waddani, waxaan aan leeyahay taageerayaashayda aad ayaad ugu mahad san tihiin intiina iga maqan ee farxada igula ciidaysa, waxaana innoo balana haddii Illaahay yidhaahdo Ramadaanta dabadeeda, waxaana aan kaalin muuqata ka qaadan doona dedaalka xukuumadda hada jirta gursiga lagaga tuurayo innaga oo farteena adeegsanayna.”.Ayuu yidhi Axmed Xasan Cali (Like).

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isna halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in dadka reer Barbera ay isa soo dabo socdaan sida oo kalena dhammaantood ku soo biirayaan xisbiga Waddani, waxaana uu carabka ku adkeeyey in hormadan hada socotaa ay tahay boqortooyadii gobalka Saaxil isla mar ahaantaan ay reer Saaxil oo dhanna ay ka dabo iman doonaan.

“Hal qodob ayaan idiin sheegayaa qoladiinan reer Hargeysa, horta Barberi waa ay isdaba socotaa oo waxay dhisaysaa madaxweynaheeda ilayn kala gobal gobal ayaa aynu nahee, Saaxil waa ay ogtahay cida halkan ka sharaxan Axmed Xasan Cali, mida Labaad mid ayaan idiin sheegayaa oo waxaa nalagu xantaa Daanyeer ayaad tihiin, hadaba Daanyeerku waa uu kala weyn yahee maanta Coof lihiibaa socda, Coof lihii, waxa weeye Cooflaha waad garanaysaan, waa Laaso-dacawo, waa boqortooyadii, halkaan in Barberi is daba socoto oo saldanadeeda dabo socoto oo walibana madaxweynaheeda ay daba socoto halkaas iyada taas ku bushaaraysta.”Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo isna ugu danbeyntii halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynaayo siyaasiyiinta iyo taageerayaasha ku soo biirayba, waxana uu tibaaxay in xisbiga Waddani yahay meel aan la kala lahayn sida oo kalena qof kasta oo ku soo biira ay u furan tahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa talada dalka.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

“Siyaasi Axme Cali Like, taageerayaasha faraha badan, siyaasiyiinta, haweenka iyo dhalinyarada la socdaba ee maanta go’aan saday in ay xoojiyaan oo xoogooda iyo cududoodaba ay ku soo biiriyaan xisbiga Waddani, farxad weyn ayaa ay noo tahay, waxaana aanu idin leenahay ku soo dhawaada xisbiga Waddani , soo dhawaada soo dhawaad, waxaa kale oo aan anigu si gaar ah ugu sii faraxsanahay in dhammaanba aanu taageerayaasha isku gobal ka soo jeedno, taasina farxad gaar ah ayaa ay ii tahay, waxaan sida oo kale aad iyo aad ugu kalsoonahay in aad xisbiga ku soo kordhin doontaan cududiisa, cududiina, taladiina, dhaqaalahiina iyo codkiinaba. Munaasibada u jeedada aynu u qabanay waxaa ay ahayd in aynu soo dhaweyno mudane Axmed iyo dhammaanba taageerayaasha, waxaan maanta innaga oo u wada dhan aynu ku soo dhaweynaynaa halkan, waxaana aanu leenahay maanta xisbiga waad ku soo biirteen laakiin xisbi la idin ka leeyahay maaha oo kii hore u joogay iyo kuwii maanta u yimiba taladiisa waa ay u siman yihiin, taladiisa ku soo dhawaada ayaanu leenahay.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here