Xisbiga Waddani Oo Hadhimo Sharafeed Qaran Ku Maamuusay Madaxweynahii Hore ee Somaliland + DAAWO SAWIRRO

0
874

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madal aad u qurux badan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana uu Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani hadhimo sharafeed qaran  ugu samaynaayey madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Riyaale Kaahin, ayaa maanta lagu qabtay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

IMG_0810

Waxaana madashan ka soo qeyb galay madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Riyaale Kaahin, madaxweyne ku xigeenkiisii Md.Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxweyne ku xigeenkii hore ee xukuumaddii Cabdiraxmaan Tuur Md.Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax, guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), wasiiro hore uga tirsanaa xukuumaddii Daahir Riyaale, gudida fulinta xisbiga Waddani, hoggaanka xisbiga Waddani, mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad uga mahad-celiyey guddoomiye Ciro hadhimo sharafeeda uu ku maamuusay madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Riyaale Kaahin.

IMG_0774

“Waxaan halkan aad iyo aad uga mahad celinayaa guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Ciro, oo maamuuskan, milgahan iyo marti qaadkan isagu keen keenay isaga oo ku maamuusaya madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Riyaale Kaahin iyo madaxda kale ee madaxweyne ku xigeenkii hore ee Axmed Yuusuf Yaasiin iyo madaxweyne ku xigeenkii ka sii horeeyey ee Cabdiraxmaan Aw-Cali Faaraxba iyo dhammaanba madaxda kale ee goobtan joogta ayaan aad iyo aad iyada awgeed aan ugu mahad celinaya guddoomiye Ciro.”.Ayuu yidhi Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar.

IMG_0846

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Muj.Boobe Yuusuf Ducaale, Siciid Sulub Maxamed, xildhibaan Rayte iyo xildhibaan Tukaale oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay maamuusida madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Riyaale Kaahin, waxaana ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin hadhimo sharafeeda ay ku maamuuseen madaxweynahii hore ee Somaliland.

IMG_0816

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxweyne ku xigeenkii hore ee xukuumaddii Cabdiraxmaan Tuur Md.Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax, Wasiirkii hore qorsheynta Md.Cali Sanyare, wasiirkii hore Caafimaadka Md.Cabdi Haybe, guddoomiyahii hore ee hay’adda Shaqaalaha Md.Cabdiraxmaan Cadami iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ahaa xukuumaddii Daahir Riyaale oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda si aada u muujiyey in ay ku faraxsan yihiin hadhimo sharafeeda xisbiga Waddani uu u sameeyey madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Riyaale Kaahin.

IMG_0856

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Riyaale uga mahad-celiyey aqbalaada uu ka aqbalay casuumadooda, waxaana uu sida oo kale tibaaxay in hadho sharafeedan ay ugu talo galeen sidii ay madaxweynahii hore ugu maamuusi lahaayeen kaalintii wax ku oolka ahayd ee uu ka soo qaatay hirgalintii hannaaka dimuqraadiyada Somaliland.

IMG_0852

“Runtii maanta halkan waxaa aynu isagu nimi arrin kaliya oo ah in aynu wada maamuusno madaxweynahii hore ee jamhuuriyada Somaliland Md.Daahir Riyaale Kaahin, wax kale oo noo waheliyey may jirin, waxaana aan ugu talo galnay uun in innaga oo wada jirna aynu wada maamuusno, waana uu innaga mudan yahay in aynu wada maamuusno, waxaanan madaxweynahii hore isagana uga mahad celinaynaa in uu isaguna innagu maamuusay in uu innaga aqbalo in aynu maamuusno. iyada oo aanu filayno mar haddii axsaabta, xukuumaduba ay ka heshiiyeen doorashadii in la fuliyo waliba Golaha Guurtidu uu fuliyo.”.Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

IMG_0827

Md.Daahir Riyaale Kaahin oo isna halkaas ka hadlay, ayaa hadalo mahad-naq ah iyo dardaaran isagu jira ka soo jeediyey madashaasi, waxaana uu yidhi:”Waxaan u mahad-naqayaa guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada oo hadhimo sharafeedkan intaas oo ehelu shareed ah lagu soo marti qaaday ee la igu maamuusay, aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa. Anigu waxaan ahaa madaxweyne hore oo Somaliland ah, dhexna waan u ahaanaya Somaliland, waxaana aan istaagayaa meeshii xaqa u ah Somaliland haddii Illaahay yidhaahdo, dawladnimada madaxweynahii Afaraad ayaa maanta maraaya, waxaan qirayaa sida Cabdiraxmaan aw-Cali sheegay in ay marba marka ka horeysay ay ka adkayd madaxtinimada iyo hoggaaminteedu, qoladan hada joogta wakhti fiican ayaa ay ku soo hagaageen, kuwa kalena wakhti fiican in ay ku soo hagaagaan ayaan u rajaynayaa, in la qiro cid kasta waxa ay soo qabatayna waa waajib, dawladnimada, sharafteena iyo qurxdeena ayey ku jirtaa, xataa kuwa imika jooga waxa ay qabteen in laga dafiro ma ogalin, iyagana waa in loo qiraa waxa ay ku biiriyeen, waayo waa wax socda oo dawladnimadu wax istaagaya maaha.”.Ayuu yidhi Md.Daahir Riyaale Kaahin.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here