Xisbiga Waddani Oo Burco ka Bilaabay Barnaamijka LA’ AFUR WADDANI Ee Bisha Ramadaan, Deeq Raashin Ahna Guddoonsiiyey 100 Qoys oo Danyar ah + SAWIRRO

0
980

Burco, (HargeisaPress) —Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo maanta magaladda Burco ka  bilaabay barnaamijka LA’ AFUR WADDANI ee bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa deeq raashin ah ku caawiyey 100 qoys oo danyar ah kuwaas oo ku nool Kaamamka Barakacayaasha magaalada Burco.

Deeqdan raashinka ah oo ka boobnayd Bariis, Timir,Saliid iyo Sharaab ayaa qoysaska la guddoonsiiyey ay kala yimaadeen xaafadaha danyarta ah ee Kosaar.Cali Xuseen,Xaafadda Xaji Yuusuf Xasan Caaqil Yare iyo Xaafadda Madiina, ee magaalada Burco,

DSC01509

waxaana bixintii deeqdan oo saaka lagu qabtay xarunta dhaxe ee xisbiga Waddani, ka soo qeyb-galay Madaxda Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer  iyo sida oo kale mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Waddani.

Gudomiyaha Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in iyaga oo xisbi mucaarad ah ay danyarta ku caawiyaan raashinkan bisha ramadaan awgeed.

“Iyada oo aynu ku jirno bishii barakaysnayd ee Ramadaan, ayaa saaka waxaa aynu halkan u joognaa in aynu walaalaheena danyarta ah,  aynu bal deeq yar oo raashin oo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee dibaddu ay u soo garteen in ay walaalahooda baahan ay barnaamijka la yidhaahdo la afur Waddani in ay ku caawiyaan oo ay xoogaa deeq ah ku gaadhsiiyaan, runtii waanu arkaynaa in waxa aanu meesha soo dhignay ay aad iyo aad u yar yihiin, laakiin waxaa noo farxad ah in aan annaga oo Xisbig mucaarad ah aanan waxba ka hagran dadkayaga”.Ayuu yidhi Xuseen Kaahin

DSC01469

Xoghayaha Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Wadani Marwo Hinda Jaamac Gaani Oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa Tilmaantay inuu Xisbiga Wadani Uu Muhiimada Kowaad Saarayo sidii uu u caawin lahaa isla markaasna tagero ula barbar istaagi lahaa dadka danyarta ah.

Xuseen Xirsi Caamir Oo ka Mid ah Qurba-Jooga Reer Wadani oo isaguna Dhankiisa ka Hadlay Deeqdani Uu Xisbiga Wadani u Qaybinayo Dadka Danyarta ah ayaa shegay inay ka Qurba Joog ahaan ay Tagero la Barbar istaagi Donaan Dadka Danyarta ah ,

Guddoomiyaha garabka haweenka Xisbiga Waddani ee magaalada Bristol Layla Muuse Yuusuf (Qulumbe), sida oo kalena ay jaaliyada qurba-joogta ah ee taageerayaasha Waddani u soo wakiisheen deeqdan oo iyaduna halkaas ka hadashay, waxaana ay tidhi:

DSC01457

“Aniga oo ka wakiil ah dadkii Muxsiniinta ahaa ee taageerayaasha Waddani, waxaan halkan ugu duceynayaa dadkaas Muxsiniinta ah oo ka soo qeyb-qaatay sadaqadan ama raashinkan la siinaayo dadkooda baahan ee aadka u jilicsan kana midka yihiin dadka curyaamiinta ahi Illaahay ayuunbaa dadka wax-gaadhsiiya e’ intii awoodayada ah waanu isku daynay in aanu gaadhsiino laakiin intii karaankyaga ah waanu gaadhsiinaynaa, wadanka oo dhanna waanu gaadhsiinaynaa.Waxaana aan ilaahay ka baryeyaa in uu dadkaas sadaqada la soo baxay uu Illaahay halkii ay soo saareen ugu bedelo ajar iyo xasanaad iyo wax san Insha Allah”.Ayey tidhi Layla Muuse Qulumbe.

Mid ka mid ah dadkii halkaas deeqda raashinka ah lagu caawiyey oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxaa uu si aada ugu mahad-celiyey deeqdan uu Xisbiga Waddani uu ku caawiyey dadka danyarta ah, waxaana uu Illaahay uga baryey in uu u rumeeyo himilada iyo hadafka ay leeyihiin,

DSC01491

waxaana uu yidhi:”Aad ayaan ugu faraxsanahay in Xisbiga Waddani uu deeqdan na soo gaadhsiiyo, waxaanan leeyahay Illaahay ha idin siiyo rajada aad doonaysaana Saa’imiinta caawa afuraysa ee xoogiini iyo tamartiiniiba ku afuraysa Illaahay dareenkooda ha idiin rumeeyo, himigeena fog iyo ka dhobana Alleh ha inna wada gaadhsiiyo, aad ayaad u mahadsan tihiin”.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here