“Xisbiga UCID wuxuu garab taagan yahay ciidanka qaranka JSL…”

0
405

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa ka hadlay dagaalkii shalay magaaladda Laascaanood ku dhex maray ciidamadda qaranka JSL, iyo kooxaha huwanta ah.

Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, wuxuu sheegay in xisbiga UCID uu garab taagan yahay ciidamadda qaranka.

Guddoomiye Faysal, waxa uu tilmaamay in dagaalkii u danbeeyay ee shalay isagu ula magac baxay af-gudhiye, maadaama oo ay ciidamadda qaranka JSL guul ka gaadheen.

Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka madaxtooyadda, iyo ta ururadda siyaasadda ee Somaliland.

Isagoona xusay in haddii madaxweyne Muuse Biixi, uu doorashada qaban-waayo in xisbiyadda mucaaradku ay tallaabo qaadi doonaan.

Dhinaca guddoomiyaha UCID waxa uu ka hadlay ergayga uu arrimaha Somaliland habeen hore u soo magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo ergaygaasi uu Xasan Sheekh, soo magacaabay, oo ah siyaasi C/kariin Xuseen Guulleed, oo mar soo noqday madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug.

DAAWO: Shirka Jaraa’id ee Eng. Faysal:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here