Madaxweynaha Somaliland oo Abaalmarino guddoonsiiyey Ardaydii ugu sarraysay tartanka Qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaan.

0
531

Hargeysa,(HargeisaPress)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyey Afartii Arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay tartankii Qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaan oo sannadkan ah midkii Tobnaad.

Munaasibadda abaalmarinta sannadlaha oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax kala duwan oo xukuumadda katirsan, culimo iyo madax kale, ayaa lagu abaalmariyey da’yar xifdiday Qur’aanka kariimka ah oo ku guulaysatay tartanka tobnaan ee Bisha Ramadaan.

Cabdiraxmaan Jaamac Saalax oo ka socda gobolka Sanaag, ayaa ku guulaystay gaadhi nooca Harrier ka ah oo cusub, Kaalinta labaadna waxa galay Saalax Cabdiraxmaan Cumar oo ka socday gobolka Maroodi-jeex, waxana la guddoonsiiyey abaalmarin lacageed oo dhan $2,000 (laba kun oo dollar), kitaab Qur’aan ah, mobil casri iyo computer laptop ah, halka uu kaalinta saddexaad galay Maxamed Ismaaciil Cali oo ka socday gobolka Togdheer, kaas oo abaalmarin ahaan loo siiyey Kitaab Qur’aan ah, mobile casri ah, computer Laptop ah iyo lacag dhan $1,000 (Kun Dollar), iyada oo kaalinta Afraadna uu galay Saalax Maxamuud Ibraahim oo ka socday gobolka Maroodijeex, islamarkaana la guddoonsiiyey Abaalmarin kala duwan oo ay kamid yihiin, Kitaabka Qur’aanka ah, mobile casri ah, Laptop iyo qaddar lacageed oo dhan $500 (Shan boqol) oo dollar.

Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee uu tartankani soo maray, isaga oo xusay tartankaasi muddo dheer socday, afarkii qof ee kaalmaha ugu sarreeya galayna uu haatan madaxweynuhu guddoonsiiyey abaalmarimo kala duwan oo qaali ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo mid mid u gacan qaaday Da’yarta, waxana uu guddoon siiyey abaamarimihii ay mutaysteen oo ugu horreeyo furaha baabuurka cusub ee uu ku guulaystay ardayga kaalinta koowaad ku guulaystay, isaga oo da’yarta Qur’aanka xifdidayna Eebbe uga baryey ka abaalmariyo Qawlka Allah ee ay quluubtooda ku xifdiyeen.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu abaalmarino kala duwan guddoonsiiyey guddidii garsoorka ka ahayd tartanka Qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaan.

Ardayga Kaalinta koowaad galay sannadkan tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan ayaa aragga naafo ka ah, taas oo dedaalkiisu soo jiitay dhammaanba madaxdii munaasibadda ku sugnayd oo eebbe uga baryey inuu mustaqbal ifaya ku gallado.

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here