Xisbiga Kulmiye Oo Casho-sharaf Ku Maamuusay Murrashaxiintiisa Afar Gobol

0
865

Burco (HP): Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa casho-sharaf ku maamuusay murrashixiinta xisbiga ku meteli doonta doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Munaasibadda casho-sharafta ah oo ujeeddadeedu ahayd mahadnaq, isbarasho  iyo talo kala qaadasho, laguna qabtay magaalada Burco, ayaa waxa ka qaybgalay, guddoomiye-kuxigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE,  Mudane Axmed Cabdi Dheere.

Xubno ka mid ah Golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, haldoor ka tirsan xisbiga KULMIYE, haween, dhallinyaro iyo murrashixiinta goleyaasha wakiillada iyo deegaanka xisbiga KULMIYE ku metelaysa gobollada Togdheer, Sanaag iyo Sool, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagula dardaarmayo murrashaxiinta cusub, islamarkaana uu xisbigu ugu muujinayo inuu taageero buuxda la garab taagan yahay.

Ugu horrayn guddoomiyeyaasha KULMIYE ee saddexda Gobol ee Togdheer, Sanaag iyo Sool – Mudane Ismaaciil Maxamed Daahir, Md. Yuusuf Xasan Cismaan iyo Md. Axmed Maxamed Da’ay oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ee gobollada Bariga dalka, waxana ay kula dardaarmeen inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay tartanka soo socda guul uga soo hoyn lahaayeen, isuguna duubnaan lahaayeen.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Debedda, ahna murrashax u taagan Golaha Wakiillada ee Gobolka Sool, kana sharraxan xisbiga KULMIYE oo ku hadlay afka xubnaha murrashaxiinta ah oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa uga mahadnaqay xisbiga KULMIYE taageerada hagar la’aanta ah ee uu la garabtaagan yahay murrashaxiintiisa iyo niyad-wanaagga uu mar kastaba u muujiyo, waxana uu xusay inay murrashaxiin ahaan xil weyn iska saari doonaan inay tartanka kusoo foolka leh guul weyn kasoo hooyaan.

Wasiirrada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Caddaaladda Mudane Saleebaan Warsame Gurey,  Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Mudane Mustafe Cali Bile, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore,  Horumarinta Biyaha, Mudane Maxamed Muuse Diiriye, Horumarinta Beeraha, mudane Axmed Muumin Seed iyo Qorsheynta & Horumarinta Qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey murrashaxiinta xisbiga ku metelaya doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiillada ee Gobollada Bariga, waxanay tilmaameen inay si niyadsami leh ula shaqeynayaan muddada tartanku socdo.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obaama, ayaa isaguna dhinaciisa khudbad dheer oo dardaaran iyo hogo-tusaalayn salka ku haysa u jeediyey murrashixiinta KULMIYE ee xisbiga ku metelaya saddexda gobol ee bariga dalka, ayaa murrashaxiinta u sheegay inay ku dedaalaan sidii ay tartan bilaa turxaan ah u geli lahaayeen, ugana soo hoyn lahaayeen guul uu xisbigu awooddiisa ku sii xoojiyo.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland, ahna xubin Guddiga Fulinta Xisbiga KULMIYE Md. Cabdikariin Axmed Maxamed, ayaa isna dhankiisa kula dardaarmay musharaxiinta inay ilaaliyaan sharafta iyo mabda’a xisbinimo, isla markaana iyagoo ku midaysan xisbinimo ay ku dadaalaan tartanka iyo qabashada hoggaanka golayaasha ay ku tartamayaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheer), ayaa murrashaxiinta KULMIYE u jeediyey dardaaran mug iyo miisaan leh oo uu diiradda ku saaray sidii uu xisbigu u muujin lahaa awooddiisa xilliga doorashada, una geli lahaa olole aan turxaan lahayn oo milge iyo sharafi ka muuqato.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here