D/Hoose Ee Laascaanood Oo Fulinaysa Olole Madaafadeed

0
402

Laascaanood (HP): Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa maanta soo kormeeray ololaha nadiifinta oo ka socda suuqyadda magaaladaasi.

Ololahaasi nadiifinta ah ayay dawladda hoose ee Laascaanood muddooyinkanba ka waday suuqyadda iyo xaafadaha magaaladaasi.

Kaasoo u jeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa nadaafadda iyo bilicda magaaladda, maadaama oo ay curteen roobabka Gu’ga.

C/casiis Taarwale, oo ka warbixinayay kormeerkaasi iyo ololahaasi waxa uu yidhi “Waxaan maanta kormeeray ololaha nadiifinta magaaladda Laascanood oo ay dawlada hoose ka wado xaafadaha iyo shaaracyada magaalada Laascanood xili uu curtay Raxmaadkii Gu’gu”.

Geesta kale, maayarka ayaa ugu baaqay bulshadda magaaladda Laascaanood in ay dawladda hoose kala shaqeeyaan ololahaasi.

“Bulshadda waxaan ugu baaqayaa inay dawlada hoose kala shaqeeyaan nadiifinta magaalada iyo kor u qaadida bilicda caasimada gobolka Sool ee Laascaanood” ayuu yidhi C/casiis Taarwale.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here