“Xildhibaanka Buugga Saxeexa Ee Iska Baxa Waxaanu U Aqoonsan Doonaa Xildhibaan Maqan.” Baashe Maxamed Faarax + Magacyada 21 Mudane Oo La Baafinayo

0
851

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiye ku xigeenka Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudaneyaasha uga digay inay fadhiyada caadiga ah ee Golaha ka maqnaadaan ka dib markii labadii maalmood ee u dambeeyay Goluhu u furmi waayay Kooramka oo buuxsami waayay.

Baashe Maxamed faarax waxa uu sheegay inay soo noqnoqtay fadhiyada Golaha oo Kooram la’aan u qabsoomi waaya ““waxa loo baahan yahay in ay Xildhibaanadu Kasoo qayb Galaan Fadhiyada. waad Arkayseen Oo Laba Fadhi ayay Kooram La’aani Dhacday Horena way iskaga Dhic-dhici Jirtay” ayuu yidhi Gudoomiyuhu

Gudoomiye xigeenku waxa uu sheegay inay Mudaneyaasha ka wada hadleen sidii  Golaha si joogto ah loogu iman lahaa “Wakhti yar ayaa Golaha u hadhay Shuruuc Badanina Way Hadhsan yihiin” ayuu yidhi

Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay inaan la aqbali doonin Mudane dammbe oo inta uu Golaha yimaado marka uu saxeexo Buugga Xaadiriska iska baxa  “Xildhibaanka Buugga Saxeexa  iska baxa ee waxaanu u aqoonsan Doonaa Xildhibaan Maqan.Ninkasta cidii soo dooratay ayaa daba socota, doorashana way soo socotaa, Xildhibaanku Dadkiisa wixii uu kula Noqon Lahaa ayuu doonayaa,Waxaana ay ila tahay in Xildhibaan kasta ku Mash-quulsan yahay sidii uu Gobolka uu kasoo jeedo wax badan ugu Qaban Lahaa”

Maalmihii u dambeeyay oo Gudoomiye Cirro Safar ugu maqnaa Jabuuti, islamarkaana fadhiyada uu gudoominayay Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaanay Mudaneyaashu soo xaadirin islamarkaana ay baaqdeen hawlihii fadhiyadaasi la qaban lahaa. Waxaanu Gudoomiye Baashe Carrabka ku adkeeyay in Xeer hoosaadka golaha lala tiigsan doono Mudanaha iska maqnaada.

Dhanka kale Qoraal lagu baafinayo Mudaneyaal aan fadhiyada soo xaadirin ayaa u dhignaa sidan

Ujeedo :- Baafin Mudanayaal

Waxaan idinku wargalinaynaa inaad noo baafisaan mudanayaashan magacyadoodu hoos ku qoran yihin

Oo ka maqnaa fadhigii maanta sabab la’aan.

1.C/casiis  Ismaaciil Ducaale

2.C/laahi Axmed Yuusuf ( Madar)

3.C/qaadir Askar Xasan

4.Xaashi Xuseen Caabi

5.Xuseen Ismaaciil Yuusuf

6.Khadar Aadan Xusen(ambasadoor)

7.Mahdi Xuseen  Cadare

8.Maxamed  jaamac Cabdi

9.Muuse Maxamed Ismaaciil (hoos-u- jeed)

10.Siciid Cilmi Rooble

11.Siciid  Maxamed  Cilmi

12.Maxamed Saalax Cige

13.Axmed Ducaale Bulaale

14.C/qaadir Jibriil Tukaale

15.Maxamed Baaruud Shide

16.Cabdilaahi Xuseen Cige

17.Axmed yasiin Sh. Cali Ayaanle

18.Maxamed Barkhad Miigane

19.Aadan Muxumed Hoori (mataan)

20.Ibraahim Maxamed Xuseen

21.Abdirahman Maxamed Jaamac (loyer)

ALLAH  MAHADLEH

 

C/risaaq Siciid Ayaanle

Xog.Guud ee G/Wakiilada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here