Xildhibaan Xisbiga Kulmiye Ka Tirsan oo Mucaaradku Ku Baayaceen $100 oo Dollar

0
604

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaan Abiibakar Siciid Cali Gaboobe oo ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE ee muxaafidka uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa shaaciyay in ay Isbahaysiga labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID ay isku dayeen in ay laaluushaan si uu u taageero xubnaha isbahaysiga mucaaradku u xusheen doorashada shirgudoonka Wakiillada Somaliland.

Xildhibaan Abiibakar Siciid Cali, ayaa waxaa uu sheegay in Isbahaysiga labada xisbi mucaarad ay ku baayaceen lacag badan.

Waxaanu xildhibaanku sheegay in xisbiyada isbahaysiga mucaaradka Somaliland ay u soo bandhigeen in ay siin doonaan $100 kun hadii uu taageero xubnaha mucaaradku u sharaxeen doorashada shirgudoonka Wakiillada balse uu ka diiday

“Waxan maqalaa mucaaradka oo leh xildhibaana la iibsanayaa lakiin waxa layaab igu noqotay in aniga la iisoo bandhigay lacag si aan ugu codeeyo mucaaradka, lacag ah $100 kun ayay isoo bandhigeen beena ma sheegayo” ayuu yidhi Xildhibaan Abiibakar.

“Arrintaasi waxay igu noqotay wax qariib ah oo aan la yaabay mana ihi qof lacagi goyso, waxan u sheegayaa bulshadayda gobolka Awdal in aan nahay xildhibaanadii aysoo doorteen oo u maqan,  waxanan u balan qaadayaa in aan u taaganahay wixi lanoosoo doortay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Arrintan, ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee xildhibaan ka tirsan xisbiga Kulmiye uu sheego in xisbiyada mucaaradku lacag u soo bandhigeen, hore xildhibaano ka tirsan mucaaradka, ayaa ku andacooday in xukuumadu laaluushayso xildhibaanada isbahaysiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here