“Miinaasiyadu waa 2 tiriliyan iyo boqol iyo hal bilyan oo shillin”…

0
347

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shhirre, ayaa ka warbixiyay qiimaynta waxqabadka waaxyabaha dakhli soo saarka wasaaradaasi ee sanadkan 2021-ka.

Waxaanu sheegay wasiirku in miisaaniyadda dawladda ee sanadkani odoroska la dejiyay ee kharashka la doonayo in la soo ururiyo ee la filayaa uu yahay 2 tiriliyan, iyo boqol iyo hal bilyan, oo shillinka Somaliland ah.

Sacad Cali Shire, oo maanta magaaladda Hargaysa ka furay kulan arrimaha maaliyadda la xidhiidha, waxa kaloo uu tilmaamay in wasaaradda Maaliyadda shaqadeedda in ay koobsadaan shanta Tiir ee barnaamijka maamulka maaliyadda dawladda ee loo soo gaabiyo PFM-ka.

Kuwaasoo uu Tiirkoodda koowaad yahay miisaaniyadda, iyo tiirarka kale oo ay ka mid yihiin dakhli soo ururinta, ka maamulka kharashka, ka iibka, iyo midka isku daba galka.

Shantaasi Tiir ayuu wasiirku sheegay in mid waliba uu ahmiyadiisa leeyahay, balse midka ugu muhiimsani uu yahay  dakhli ururinta.

 

DAAWO: Wasiirka Oo Arrimahaasi Faahfaahinaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here