Xildhibaan Qodax oo Ku Gacan Saydhay Xilka Qaadista Xisbiga UCID Ku Sameeyay

0
1549
Xildhibaan Cabdinaasir Qodax
Xildhibaan Cabdinaasir Qodax

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa waxaa uu ku gacan saydhay xilka qaadista uu xisbiga UCID maanta ku sameeyay.

Xildhibaan Cabdinaasir Qodax, ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga UCID aanu ka qaadi karin xubinimada xisbiga.

Waxaanu sidoo kale Xildhibaan Cabdinaasir Qodax sharci daro ku tilmaamay go’aanka uu xisbigiisu gaadhay ee uu xisbiga lagaga caydhiyay, isaga oo sheegay in shirwayne uun lagaga qaadi karo xilka.

Xildhibaanka, ayaa ku andacooday in ay xaq u leeyihiin in ay isbahaysi la samaystaan xisbiga ay doonaan.

Geesta kale, Xildhibaan Qodax oo xisbiga UCID ku eedeeyay in uu faafiyay sirta xisbiga, ayaa diiday in uu wax sir ah faafiyay.

Xisbiga UCID, ayaa maanta sheegay in ay xisbiga ka eryeen Xildhibaan Cabdinaasir Qodax oo aha xoghaye ku xigeenkii xisbiga iyo xildhibaan xisbiga ka soo baxay.

Sababta Qodax xisbiga looga eryay, ayaa ah in isaga iyo xildhibaano uu wataa ay heshiis isbahaysi la galeen xisbiga Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here