Xildhibaan Mubaarik Bidhi iyo Isu-duwaha Caafimaad Togdheer Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Degaanka Bali-calanle

0
1216

Bali-calanle (Hargeisa Press): Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Togdheer, maamulaha wasaaradda xanaannadda xoolaha iyo kalluumaysiga ee Togdheer iyo xildhibaan Mubaarik  Bidhi, ayaa  xadhiga uga jaray mashaariic horumarineed oo xukuumadda Somaliland ka hirgelisay degaanka Bali-calanle oo ka tirsan degmadda Buuhoodle.

Mashaariicdaasi horumarineed ayaa isugu jiray xarumaha hooyadda iyo dhalaanka iyo daryeelka caafimaadinta xoolaha. Sidoo kale waxay masuuliyiintaasi degaankaas gaadhsiiyeen daawooyin iyo shaqaalaha ka hawl geli doona xarumahaasi.

Munaasibad kooban oo loo sameeyay furitaanka mashaariicdaasi waxaa ka soo qayb galay odayaasha iyo madax dhaqameedka degaanka Bali-calanle, xildhibaan Mubaarik Bidhi iyo isu-duweyaasha wasaaradaha caafimaadka iyo xanaanadda xoolaha gobolka Togdheer.

Madax dhaqameedkii madashaasi ka hadlay ayaa ka codsaday xukuumadda dhexe ee Somaliland in laga soo caawiyo baahiyo ay qabaan dadka degaankaasi, gaar ahaana  dhinaca xoojinta amaanka. Waxaanay ka dalbadeen xukuumadda in loo soo kordhiyo ciidamadda booliska.

Sidoo kale odayaasha degaanka Bali-calanle, waxay amaan u jeediyeen wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland oo  daawadda la gaadhsiiyay xarumaha caafimaadka dadka ee degaankaasi oo uu wasiirku soo dhiibay.

Waxa kaloo ay odayaasha degaanka  u mahad celiyeen wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga jamhuuriyadda Somaliland oo ay tilmaameen in uu ka soo jawaabay baahidii ay u qabeen in xarunata xanaanaynta xoolaha laga hirgeliyo degaankaasi.

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco, isla markaana laga soo doortay degaankaasi oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa  u sheegay bulshadda degaankaasi in sidii bilaa shuruudda ahayd ee ay u doorteen madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana daawadda iyo waxyaabaha kale ee ay gaadhsiiyeen in ay hor dhac u yihiin balan-qaadkii uu madaxweynaha Somaliland u sameeyay xiligii ololihii doorashadda.

Sidoo kale isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Aadam Malaay iyo madax wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga ee gobolka Togdheer ayaa iyag na halkaas hadalo ka jeediyay.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here