Xildhibaan Hanad Xaashi Oo Dhul Boob Ka Bilaabay Shacabka Meel Wado Ahna Habeen Madaw Dhisay + DAAWO SAWIRRO

0
1383

dhul 32Hargeisa Press — Xildhibaan Hanad Xaashi oo katirsan xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa ayaa meel wado ah oo ku taala xaafada shacabka ka bilaabay dhisme guri.

Dadka xaafada ayaa saaka aroortii kusoo toosay wadadii oo says cusub laga dhisayo, kuwaas oo shaqaalihii dhismaha ee goobta joogay kala eryay.

Xildhibaan Hanad Xaashi ayaa habeenkii ka horeysay saqdii dhere kusoo rogay lawdhadh dhagaxaan iyo jaajuur ah, kaas oo damacsanaa in uu habeen madaw ka gaadhsiiyo dhismaha wadadan uu doonayay in uu dhisto.

Bal eeg Meeshu waa Wado, meesha cid waliba arkayso ayuu Xildhibaan Hanad Xaashi ka dhisayaa guri ?
Bal eeg Meeshu waa Wado, meesha cid waliba arkayso ayuu Xildhibaan Hanad Xaashi ka dhisayaa guri ?

Sida dadka xaafada ku dhaqani warbaahinta qaar u xaqiijiyeen, waxa markii hore meesha wadada ah oo ku taala xaafada shacabka, khaasatan agagaarka xafiiska Akaadaamiga Hormarinta Af Somali-ga ee Gaariye ama agagaarka guriga uu wasiirka maaliyada Somaliland dagan yahay, waxay dawlada hoose u soo dirtay cagaf. Taas oo dadka xaafadu sheegeen in ay xataa qasabadii biyaha ka jartay cagaftaasi markay banaynaysay meeshaas.

dhul

Xildhibaan Hanad Xaashi oo codka ugu badan ka heley degmadan Kood-buur ayaa kamid ahaa xildhibaanadii ugu codka badnaa golaha deegaanka Hargeysa.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here