Xil Gudasho La’aanti Shalay Iyo Hufnaanta Maanta Halkay Iska Qabtaan!

0
1109

rayBulshadu waxay ka amakaag santahay Digreetooyinka is burinaaya ee kasoo baxaaya madaxtooyada, waa xil ka qaadis hadana magacaabis, dhaliil xilgudasho la’aaneed, hadna boogaadin xil magacaabiseed, qof qudha laba jeer marna xilka lagaga qaadayo xilgudasho la’aan qaran. Hadana waxa marlabaad  lagu boogaadinayo xilka loo magcaabay, haduu xilka si hufan u gudanaaayo oo kartidiisu wax jira tahay xilka looga qaadaya marka hore ee loo leeyahay xilkii qaranku gudan wayay, Halkay iska qabtaan, markaanu aragnay kartidaada, hufnaantaada, daacadnimadaada,iyo waxqabadkaaga waxaanu garannay inaanu kuu magacown.Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, la yaab sannad ka horna markii xilka laga qaadayay masuulkan waxay lahayd digreetadi xilka qaadisktu, kadib markii uu kasoo bixi waayey xilkii loo igmadey,waxaanu garaney in aanu xilkii ka qaadno, kala maan miyaanay ahayn labada qoraal ee ku kala qoran labada xaashiyood kaaf iyo kala dheeri?

Kaw maaha ee waxay dhacday sidani maraar badan masuuliyiin badan oo laga qaday xilkii ay hayeen oo la yidhi, xilka qaadista iyo magacaabista qaranku waa sunaha dawldnimo ayaynu hadana muddo kooban ka dib  masraxa dub ugu argnay oo marlabaad looso magcaaba, miyaa laga maarmi wayay? Masuul buuxiya oo u qalma jagadiisa miyaa la waayay? Ma qaladbaa markii hore xilka looga qaaday? Waydiimahaas iyo kuwo badani waxay ka guuxayaan maskaxaha dad badan waxaana la yaaba in  masuuul xilkii laga qaadaya oo la yidhi wuxuu gudan waayay shaqadii qaranka dib hadana looso celiy.

Billo yar ka hor waxa sidan oo kale dub loo magacaabay gudoomiyihii hore ee gobolka Saaxiil Ramaax markii laga maarmi waayay mooyi si ay tahee oo la yidhii, markaanu aragnay kartidaada, hufnaantaada, daacadnimadaada,iyo waxqabadkaaga waxaanu garaney inaanu kuu magacowno Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, markii laga qaadayay xilka Gudoomiye nimo ee Gobolka Saaxilna waati la yidhi, , kadib markii uu kasoo bixi waayey xilkii loo igmadey,waxaanu garaney in aanu xilkii ka qaadno. Waa digreetooyin is burinayaa oo ay ka muuqato nidaam daro dawladeed.

Sida si la mida Gudoomihi hore ee Gobolka Maroodi jeex Xamrji waxa xilka laga qaaday kadib markii lagusoo eedeyey musuqmaasuq raashin mucaawino ah oo la yidhi wuu lexsaday, markuu xidhna muddo waa lasoo daayay kadib marki lagu cadanwayay, waxa mrlabaad loo cumaaamaday Gudoomiha Gobolka Togsheer iyadooo la leeyahay, markaanu aragnay kartidaada, hufnaantaada, daacadnimadaada,iyo waxqabadkaaga waxaanu garannay inaanu kuu magacowno Gudoomiyaha gobolka Togdheer, mrkii horena waxa lagu lahaa waxaanu xilii ka qqaadnay kadib markuu gudanwaayay xilkii qaranka bal adba!

Masuulka marka xilka laga qaadayo ee lagusoo eedaynaayo xil gudasho la’aan ma dibaa looso bedelo waa qof kale, qof haduu seexdo oo soo tooso saw isagiiyun maaha miyuu is doorinayaa, mise bulshada laga waayay qof garaad iyo aqoon dhaama oo mansabka hanan kara,,xaasha lagama  waayin ee waxaan la doonayn qof wax qabta waxa la doonaya qof la jaanqada nidaam darada madaxtooyada.

Waa ayaandaro iyo fashil siyaasadeed hab dhaqankan foosha xun ee madaxtooyadu marba luuqad bulshada kula hadlaysa, markay waalanyiin markayse saxanyihiim, miyaannay garaad cay ahayn, marka kolna layna leeyahay markaanu arganay kartidiisa, marna layna leeyahay xilku gudanwaayay. Waxaan qabaa in masuulka lasoo celinayaa dan kale laga leeyahay ee dan qaran aan looso celin, hadii dan qaran la eegayo masuuliyiin xilkas ahaa oo daacad ahaa xilkana laga qaaday ayaa dib looso celin lahaa.

Marka shakhsiga xilka hore looga qaaday ee la yidhi markuu xilkiii gudanwaayay dub  xilka loogu magaccaabayo hala yidhaahdo markay madaxtooyadu ka maarmi wayday  ayaanu dub u magcawnay, oo halaga dadayo markaanu aragnay hufnaantiisa iyo hawlkarnimadiisa ilay haduu hawlkaryahay oo qarnka dan u yahay horeba xilka loogama qaadeen lamana yidhaahdeen markuu gudan waayay hawshii qaranka!

Ramadaan kariim, Somaliland guul iyo gobanimo, horumar wada gaadha, hogaan tolmoon oo daacada, badhaadhee iyo barwaaqo alle haynagy galado.

 

Maxamed Sadiiq Dhamme

Masadiiq@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here