Xasan Sheekh: Qadiyada Badu Waxay Weli Taagantahay Meeshii Aan Afar Sano Ka Hor Uga Tagnay

0
1263

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrinta dacwadda kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horreyn ka hadlay taariikh la xidhiidha sida ay dacwadda baddu ku bilaabatay iyo sababta ay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ay u geeyeen.

“Bishii Agoosto 2014-kii ayaan gaynay dacwadda maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ, sababta aan u gaynayna waa laba jeer ayaa waxaan isku daynay inaan barigaas ka wada hadalno inta aanay dacwad gaadhin, labdii marba waa la isla keeni waayay, haddii marka la isla keeni waayay waxaa Soomaaliya u furnayd in dacwad la geeyo maxkamadda ICJ.” Ayuu yidhi madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale sheegay in intii uu kiiska maxkamadda taagnaa aanu Kenya iyo Soomaaliya dhexmarin wax cilaaqad ah.

“Intii uu kiiska badda socday wax cilaaqad ama war xuma ah oo na dhexmaray ma jirin.”

“Waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed u sheego in qadiyadda badda ay weli taagantahay meeshii aan afar sano ka hor uga tagnay, saddex jeer ayaana dib loo dhigay, wax cadayn ahna kama hayna in dowladdeena ay diidanayd dib u dhigista dacwadda badda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here