Xasan Sheekh oo Wacad Ku Maray Inay Awood Tirayaan Al-Shabaab

0
765

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wacad ku maray inay dowladiisa ka go’an tahay inay awood-tirto ururka Al-Shabaab, lagana xoreeyo Soomaaliya.

Xasan Sheekh, ayaa hadalkan ku sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiskiisa kadib kulan uu la yeeshay saraakiisha guddiga amniga Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay inuu ogyahay in shacabka Soomaaliya ka daaleen tacsida, waxaana uu sheegay inuu ugu baaqayo dadweynaha inay isku diyaariyaan dagaal aan waxba lala hadhin oo ka dhan ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeedkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay inuu billaabay diyaar garow tan iyo markii uu xilka qabtay kaasi oo ku aaddan xoreynta deegaannada ay haystaan Al-Shabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado.

“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna,” ayu yidhi Xasan Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here