Xarunta Xuquuqal Insaanku Waxaay ku Baaqaysaa in Xorriyadiisa Loo Soo Celiyo Suxufi Maxamed Cumar Jaray.

0
830

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maxamed Cumar Jaray oo ah suxufi ka tirsan bogga interneetka ee Boramanews oo lagu xidhay 13kii April 2016 magaalada Boorama ayaa weli xidhan.  Weriyahan waxa la xidhay 13kii April 2016 kadib markii uu sii daayay warysiyo laga qaaday dad degan Boorama, caasimadda gobolka Awdal, oo ka qayb qaatay barnaamij dadka lagu waydiinayey heesta calanka Somaliland iyo heesta calanka Somalia. Dadkaas oo badankoodu qaaday heesta calanka Somalia.

 

Tan iyo 15kii April lama horgeyn suxufigan wax maxkamad ah, taas oo ka soo horjeedda qodobka 47(3) ee Xeerka Habka Ciqaabta oo dhigaya in “eedaysanaha xidhan la horgeeyo maxkamad todobaad walba”.

Qodobka 32(3) ee dastuurka Somaliland wuxuu dhigayaa “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo…”

 

Hadda ka hor, Maxamed Cumar Jaray waxa la xidhay 16kii March 2016 iyada oo la sii daayay 18kii March.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Maxamed Cumar Jaray.

 

Dhinca kale, laba dacwadood oo ciqaab ah oo lagu soo oogay sadex suxufi ayaa horyaal Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Muuse Jaambiir oo ka tirsan Ogaal waxa lagu eedeeyey “faafin warar been abuur ah, aflagaado madaxwayne iyo ceebayn marwada koowaad ee dalka.” Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar oo ka tirsan wargeyska la xayiray ee Hubsad waxa lagu eedeeyey inay daabaceen war been abuur ah iyo inay soo saareen wargeys aan ruqsad haysan.

 

 

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland Email: dafac02@hotmail.com mobile: +252 2 (0)63 4102244 website: http://www.hrcsomaliland.org/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here