Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ku baaqaysaa in xayiraadda laga qaado Kalsan TV

0
1309

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid ayaa xayiray telefiishanka Kalsan TV oo xarutiisa guud tahay Ingiriiska. Wasiirku wuxuu amray in la xidho dhamaan xafiisyada Kalsan TV ee Somaliland ku yaal. Xayiraadani waxaay xidhiidh la leedahay war uu sii daayay telefiishanku 3dii November 2017 kaas oo ku saabsan isku soo bax olole oo xisbiga talada haya ee Kulmiye uu ku lahaa Laascaanood.

Wasiirku wuxuu soo saaray go’aan maanta. Shir jaraa’d oo qabtay ayuu kaga dhawaaqay in uu kala noqday Kalsan TV ruqsadii uu ku hawlgalayay. Nuqul ka mid ah go’aanka Wasiirka oo ay aragtay Xarutu aya sheegay in la xayiray Kalsan TV kadib markii uu “telefiishanka Kalsan xadgudbyo ku sameeyey Qaranimada JSL, islamarkaan baahiyay 03 Nov 2017 war been abuur ah.” Go’aanku sidoo kale wuxuu ku eedeeyey telefiishanka inuu khalkhal geliyay xasiloonida iyo nabad gelyada dalka.

Warka xayiraadda keenay ayaa ah mid la baahiyay 3dii November 2017, wuxuuna muujinayaa qas ka dhacay meel uu ka jiray isku soo bax ololaha ah oo uu lahaa xisbiga Kulmiye. Fiidyawga la baahiyay ayay ka muuqatay isku dhex yaac iyo rasaas ay rideen ciidamada amnigu. Wax qasaare ah lama sheegin.

Xayiraadani waa mid ka soo horjeedda Dastuurka iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka. Dastuurku wuxuu sheegayaa in warbaahintu ay madax banaan tahay, wuuna reebay wax kasta oo lagu cabudhinayo.

“Hadii ay dawladdu wax cabasho ah ka qabto warka uu baahiyay Kalsan TV, waxaay ahayd inay marto hanaan sharci halkii ay kala noqonayso ruqsadda. Xarunta Xuquuqal Insaanku aad bay uga walaacsan tahay talaabadan ay dawladdu qaaday xilli doorasho,” ayuu yidhi Guleid Ahmed Jama, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.

Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay ogolaato in Kalsan TV uu hawlihiisa dib u bilawdo oo ay xayiradda ka qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here