Xaaladda Cudurka Macaanka Oo Heer Naxdin Leh Ka Maraya Somaliland, Wakhti Dunidu Maanta Xusayso Xuska Maalinta Cudurka Macaanka

0
1006

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maanta oo Bishan November ku beegana tahay 14 waxa sannad walba dunida laga isaga wacyo geliyaa, la isku baraarujiyaa Cudurka Macaanka ama Sonkorta oo ah cudur casri ah oo dunida faro baas ku haya gaar ahaan reer Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn cudurkani dadka u haleelayo. Wargeyska Foore waxa uu akhristayaashiisa munaasibadda xuska maalinta Macaanka la wadaagi doonaa xogo ay ka faa’iidaystaan guud ahaan cudurka Macaanka, sababaha keeba, talooyin la xidhiidha la noolaanshaha macaanka iyo arrimo badan oo la xidhiidha cudurkan. Khubarada caafimaadka dalkeenu waxa ay ka dayrinayaan xaaladda Macaanku ka marayo dadkeena iyada oo xataa laga soo sheegayo dadka Miyiga ku nool oo aan inta badan lagu arki jirin cudurka Macaanka. Waxa kale oo warwar badan keenaysa in hab nololeedka shacabkeena ee magaalooyinka waaweyni keenayo in xanuunkani si weyn u fidayo iyada oo aan cilmi baadhis rasmi ah lagu samayn sababta uu xad dhaafka ugu dhacayo shacabka reer Somaliland.

 

Qofna ma yaqaan waxa keena xanuunkan Macaanka ama kaadi macaanka sida dadka qaar u yaqaano oo sax ah. Waxaynu ognahay in Macaanku aanu ahayn cudur fudud. Waxaa jira sababo badan oo keena. Cilmi baadhiso dunida laga sameeyey waxaa lagu ogaaday dhowr sababood oo qofka gelin kara khatar weyn si uu u qaado Macaanka. Khatarahaas waxaa ka mid ah:

 

  • Kolostrooka HDL oo le’eg ama ka yar 40 ama heerka triglyceride oo ka weyn 20 mg/dl
  • Dhiig kar le’eg ama ka korreeya 140/90
  • Taariikh qoys ee cudurkan macaanka ah (Dhaxal)
  • Qulubka, Fikirka walaacu weheliyo (cudur, dhaawac)
  • Fayras (nooca Macaanka I)
  • Daawooyinka qaarkood (steroids)
  • Dhibaato sistamkaaga difaaca ah (nooca I ee macaanka ah)
  • Da’da (40 sano iyo ka weyn)
  • Aad u cayilan iyo/ama fadhiya inta badan oo aan xarakaad samayn
  • Qabitaan macaan inta Uurka ay leedahay ama dhalid ilme ka culus 90lbs.
  • Xagga Midabka (Macaanku wuxu ku badanyahay Madowga, Isbaanishka, iyo Maraykan dhaladka ah) waxa kale oo uu aad ugu badan yahay Carabta.

Noocyada Cudurka Macaanka:

Waxaa jira noocyo badan oo Macaanka ah:

-Nooca I ama Type One

-Nooca II ee loo yaqaano Type Two

-Macaanka ku yimaad Shinka ama sidka haweenayda wakhtiga uurka (Mellitus)

-Liiska hoose wa qodobo ka mid ah noocyada ugu badan Macaanka.

Nooca type I:

-Waxaa loogu yeedhi jiray Macaanka ku tiirsan insuliinka ama sonkorowga Dhallin yarada ee Mellitus (JODM)

-Inta badan wuxuu ku dhacaa inta ka horraysa da’da 30 jirka

-Beer yarta oo aan samaynin dheecaanka insuliin

-Inta badan noocani waxa uu ku dhacaa dadka miisankoodu yaryahay

-Waxa noocan Laga helay 5-10% dadka qaba Macaanka

Nooca Type 2:

-Waxaa loo yaqaanay wakhtiyadii hore Macaanka Mellitus ee Dadka waaweyn (AODM)

-Inta badan wuxuu Nooca 2aad ee Macaankaasi ku dhaca da’da 40 jirka iyo wixii ka weyn

-Beer-yartu xoogay insuliin ayay samaysaa Noocan

-Noocani waxa uu ku dhacaa Qofka inta badan miisankiisu weynyahay (Cayilan/Buuran)

-Waa nooca ugu caansan Cudurka Macaanka. Waxaa laga helaa 80-90% dadka Macaanka qaba.

Nooca Macaan ee Shinka Mellitus (GDM)

-Wuxuu qofka ku dhacaa wakhtiga Uurka (Haweenka Kaliya)

-Haweenka inta badan culus ee Miisaankoodu aad u cuslaado wakhtiga uurka ilmo culusna sida

-Heerka Macaanku caadi bay ku noqota inta badan marka ilmuhu dhasho kadib

-Khatarta in uu gudbo nooca sonkorowga II hadhow nolosha (khaasatan haddad culustahay iyo/ama aad fadhido)

-Noocyada kale ee macaanka waxaa ku jira Dhaawaca Dulqaadka Sonkorta (IGT) iyo macaanka ay la socdaan xaalado kale.

Caruurta Ma Ku Dhici Karaa Macaanku?

Inkasto sonkorowgu isu maro reeraha, waxaa jira fursad aad u yar in caruurtaadu Qaadi karaan.

Fursadda caruurtu ku qaadi karto Nooca I ee Macaanku waa:

2% haddii hooyadu qabto

6% haddii aabuhu qabo

5% haddii labada waalidba qabaan

Fursadda ay caruurtu ku qaadayso nooca labaad ee Macaanka waa 50% haddii hal ama labada waalid qabaan. Aad bay caadi u tahay in nooca labaad ee macaanku uu reer isu maro. Sababtan darteed, reerkii leh taariikh hidde ama dhaxal ah oo macaanka ah noocia labaad waa inay yareeyaan isirrada khatarta ah.

Inaad Miisaanka dhinto haddii aad u culustahay, ayaa ugu muhiimsan.

Cudurka Macaanku Daawo Ma Leeyahay?

Cudurka Macaanku sidiisaba Daawo la isku raacsan yahay oo loo qaato ma laha balse waxa uu leeyahay daawooyin xoojiyayaal ah oo lagula tacaalo, laakiin waxaa lagu xakameyn karaa:

-Cunto qaadasho wanaagsan (Cunto dheelli tiran)

-Jimicsi, Socod ama Isboorti aad samayso

-Daawooyin cusub oo wakhtigan loo kaalmaysto cudurkan balse aan daawo rasmi ah u ahayn

-Dhakhtarkaaga iyo kooxda daryeelka caafimaadka ayaa kaa la shaqayn doona adiga iyo reerkaagaba si aad u barato sida ugu fiican ee loola noolaado Cudurka Macaanka.

-Cilmi baadhisaha laga sameeyey Macaanku waxay wali ku jiraan tijaabooyin waxaana lagu hawlan yahay si daawo loogu helo. Waxaa kaloo jira shaqo la qabtay oo lagu soo saaray tallaal Nooca koowaad ee macaanka ah walise adduunka aad looguma faafin oo dalkeena lagama helo sida aan filayo.

Maxaan U Baahanahay Inaan Ka Barto Cudurka Macaanka?

Haddii aad ogtahay inaad qabto Macaan, adigu waa inaad ka qayb qaadataa xanaanaynta naftaada. La shaqee Dhakhtarkaaga, kalkaalisadaada iyo si aad wax badan u barato oo ku saabsan nolosha fiican adigoo Macaanka qaba ayaad caafimaad qabi kartaa oo aad nolol wanaagsan haysan kartaa. Ka bilow xogta ugu hooseysa (inta badan loo yaqaan xirfadda badbaadadaada). Aqoonta iyo xirfadda aad baran doonto horta waxay ku xidhantahay nooca Macaanka aad qabto iyo qorshaha daaweyntaada. Xogta aasaasigga ah waxaa Ku jira:

-Qorshaynta Cuntada

-Baadhitaanka Sonkorta

-Daawada (Insuliin Iyo/Ama Tan Afka)

-Yaraanta Sonkorta Dhiigga

Xogaha ka mid waxyaabaha aad u baahnaan doonto inaad ku xadido Macaankaagu waa:

-Qaado insuliikaaga iyo/ama tan afka (kiniin) sida lagu faray

-Baro sida loo eego oo loo xafido heerka sonkortaada

-Baro inaad garato marka sonkortaadu aad u hooseyso ama aad u korayso

-Raac qorshaha cuntadaada

-Jimicso ugu yaraan saddex jeer Usbuucii

-Xafid ballankaaga dhakhtarka oo dhan, kalkaalisada Macaanka.

 

Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here