Garabka Jamaal Cali Xuseen Ee Xisbiga Ucid Oo Wada Hadalo La Furay Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani

0
912

Hargeysa, (HargeisaPress) —Garabka Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa wada hadal la furay labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani.

 

Sida ay sheegayaan wararka soo gaadhaya Shabakada HargeisaPress, garabka uu hogaaminayo musharax Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga Ucid ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye iyaga oo kulan hore-na la qaatay masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

 

Garabka Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga Ucid ayaa sida ay wararku sheegayaan waxay labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani kala xaajoodeen arimo la xidhiidha mustaqbalkooda siyaasadeed iyo sidii ay ugu biiri lahaayeen xisbiga ay u arkaan inay fikirkooda siyaasiga ah ka hir gelin karaan.

 

Garabka Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga Ucid ayaa ah garab miisaan weyn leh isla markaana ay xubno ka yihiin  musharaxii madaxweyne ee xisbigaasi, xildhibaanada xisbiga Ucid ugu jiray golaha wakiilada, xubno ka mid ah golaha dhexe, hogaanka xisbiga iyo taageerayaal badan, waxaanay miisaan siyaasadeed ku soo kordhin karaan xisbi kasta oo ay ku biiraan.

 

Garabka Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga Ucid ayaa quus ka taagan xisbigaasi ka dib markii sharci daro lagu tilmaamay shir ay qabsadeen halka sharciyadna la siiyey shirkii ay qabsadeen garabkii ka soo horjeeday ee uu hogaamiyey Faysal Cali Waraabe shirkaas oo lagu doortay musharaxii madaxweynaha iyo hogaankii xisbiga Ucid, waxaana laga war sugayaa xisbiga ay ku biiraan garabka Jamaal Cali Xuseen.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here