Wiil Reer Somaliland Ah Oo Imaaraadku Ka Joojiyey Tartan Qur’aan Oo Uu Dubai Kaga Qayb-galay Oo Gaadhay Dalka Qadar Oo Uu Casuumad Ka Helay

0
1499
Ismaaciil Cumar Madar

Doha , (HargeisaPress) —Ardaygii ka qayb-galay tartanka Qur”aanka ee Dubai ee ay galaafatay khaliifka Siyaasadeed ee Xulufada Sucuudiga iyo Qadar ee dib loo loogu soo celiyey Hargeysa, ayaa gaadhay Dalka Qadar oo u fidisay casuumad, ka dib markii Tartanka Qur’aanka ee Imaaraadka laga joojiyey.

Ismaciil Cumar Madar oo ka qaybgalayey tartanka quraanka Kariimka ah ee sanad walba bisha Ramadaan lagu qabto Imaaraadka Carabta ayaa waxa sahatay qaraarkii Soomaaliya iska istaagtay khilaafkii soo kala dhexgallay Sucuudiga iyo Qadar, taas oo meel dhex dhexaad leh iska taagtay, waxaanay arrintaasi darteed dib loogu soo celiyey Ismaaciil Madar magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, maaddaama oo uu sitay baasaaboor Soomaali ah.

Safaaradda Soomaaliya ee Doha ayaa dawladda Qadar u gudbisay in wiilka Soomaaliga ah ee laga soo saaray tartanka quraanka ah ee uu ka qaybgalayey, waxaana dawladda Qadar dalbatay in wadankeedda yimaado.

Sheekh Cabdirashid Sheekh Cali Suufi oo ah wadaad caan ka ah dunidda islaamka, isla-markaana ku jira culimada kooban ee tajwiidka quraanka ku akhriyaa ee aad ka loo dhagaysto ayaa ku soo dhoweeyey masaajid uu Khaddiib ka yahay oo ku yaalla Magaalada Doxa ee Caasimadda Dalka Qadar.

Sheekh Cabdirashid Suufi oo marar badan guddidda tartanka quraanka caalamka ku jiray ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Madar marka uu qiyaaso uu kaalmaha hore gali lahaa balse siyaasad awgeed looga soo saaray.

Sheekh Suufi oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan si gaar ah u soo dhoweynaynaa macalinka iyo ardaygiisa waddanka inoogu yimid, musaabiqaaddaa quraanka in arrin siyaasadeed la galiyo may ahayn, tartanka Dubia ka dhaca waa mid caalamka islaamka ku weyn oo khayriya, waana dhagaystay tartankiisii maaddaama oo aan ka mid ahaan jiray guddiyada tartamada quraanka waxaan ku qiyaasay in kaalinta koowaad ama labaad uun mid gali lahaa, marka wuu ka hooseynayaa maan islahayn waayo waan dhagaystay, waxaa mar kaliya maqlay uun ninkii waa la eryey oo waddanka laga saaray, waxaana sabab u ahayd xurgufta dadkan walaalaha dhexmartay darteed, waan la yaabay arrintaasi waayo maxa quraanka soo dhexgaliyey”

Waxaanu intaas ku daray “Waxaan u mahad celinayaa safaaradda soomaalida ee Doxa in ay dawladda Qadar arrinkiisa u gudbiyaan  in inankan yar niyada loo dhiso oo la soo dhoweeyo dambi aanu galin oo lagu qaaday. Dawladda Qadar waan u mahad naqaynaa talaabadan ay arrintaasi ka qaaday.”

Sidoo kale, Ismaaciil Madar waxa soo dhoweeyey jaaliyada reer Doha ee Qadar oo talaaabada lagula kacay arrin fool xun ku tilmaamtay.

Ismaaciil Cumar Madar oo u dhashay Somaliland, ayaa Dawladda Imaaraadku ka joojisay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah, sida uu isagu ku sheegay Shir-jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay, ka hor intaanu u dhoofin Qadar, lagana siideynin Xabsi lagu xidhay Maalmo.

Himilomedia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here