Wiil Ka Mid Ah Guulaystayaashii Barnaamijka Aroos Wacan Ee Shirkada Telesom oo Shaaciyay In Aanay Diyaar U Aheyn Gabadhii Uu Guursan Lahaa

0
2831

Hargeisa (Hargeisa Press) — Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa 12-kii qof ee ku guulaystay barnaamijkii Aroos Wacan ee Shirkada Telesom qabatay ayaa ka waramay dareenkiisa ku aadan guusha uu ka gaadhay barnaamijkaasi.

Maxamed Xuseen oo ku nool magaalada Laascaanood ayaa waxaa uu shaaciyay in aanay diyaar u ahayn Gabadhii uu guursan lahaa.

“Qaabka aan ku galayay wuxuu ahaa shirkadda waxay soo dirtay farriin, lanbar, aroos wacan baa la gurayaa ayay yidhaahdeen, marka waan qoray lamabarkii baan u diray, farriin ayay ii soo celiyeen farriintaadii waanu helnay, waxaana helay farriin ah in aan ku guuleystay aroos wacan”

Wuxuu sheegay in aanu ku wargelin gabadhii ay wada shekeysanayeen in uu codsaday bakhtiya nasiibka shirkadda.

“Qofku in uu guuleysanayo iyo in kale ma oga wax aadan ogeyn oo hubinba dee waxba uma sii diyaarsan kartid”

Maxamed ayaa ka dhawaajiyay in uu ku faraxsan yahay guushan isla markaana uu shirkadda kala tashan doono qorshahiisa ku aadan guurka.

“Aad iyo aad baan u faraxsanahay, wax aniga aan ku guuleysanayo ma ogeyn imikana waxaan wada tashan doonaa shirkadda Telesom marka ay ila soo hadasho”

Maxamed ayaa ka waramay halka u ka keenayo gabadhii uu la aqal geli lahaa maadama uu ku guuleystay barnaamijka sida bilaashka ay shirkaddu u bixineyso kharashaadka arooska, wuxuu yidhi “Qofku waxa uu ku guuleysto uu helo dee wuxuu xaq u leeyahay waxyaabo faro badan xitaa walaalkey oo gabadhii diyaar u tahay ku wareejiyo ayaan xaq u leeyahay haddey iyagu aqbalaan”

Shirkadda ayaa shaacisay magacyada iyo lamabarada dadka ku guuleystay bakhtiyaa nasiibka, haddaba Maxamed muxuu dadku kala kulmay?

“Umadda Soomaaliyeed wixii Somaliland jooga telefoonka wax yar baa ku hadhay sidii hambalyo loo lahaa, intooda, waa ii hambalyeeynayaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here