WHO oo Somaliland Soo Gaadhsiisay Mashiinada Lagu Baadho COVID19

0
2170

Hargeisa (Hargeisa Press)- Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa waxaa ay dalka Somaliland soo gaadhsiisay qalab caafimaad oo uu ku jiro mushiinka lagu baadho dadka looga shakisan yahay xanuunka Coronavirus.

Qalabkan ay Hay”adda WHO soo gaadhsiisay Somaliland uu awood u leeyahay in saacaddii lagu eego 40-qof, sida uu sheegay wasiirka Caafimaadka Somaliland.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Bade oo ka hadley qalabkaasi WHO soo gaadhsiisay Somaliland ayaa sheegay in tababarkii qalabkaasi uu bilaabmayo labada cisho ee soo socda waxaanu caddeeyay in mushiinkani ay hay’addu keentay awood u leeyahay inuu maalintii baadho 40 qof.

‘’Waxaa aanu hay’adda isku soo af-garaney mushiinka qalabkiina waa ay keeneen, tababarkiina waxaa uu bilaabmaya labada cisho ee soo socda oo qof khabiira ayaa Itoobiya laga keenaya, waxaanu mishiinku awood u leeyahay in saacaddii lagu eego 40-qof, macnaheedu hadii uu shaqeeyo laba iyo toban saacadood waa ilaa shan boqol oo qof wax ku dhaw, ayaa 12-saacadoodba lagu eegi karra, taasina waxaa ay keenaysa in talaabooyinka ay ku talineyso hay’adda caafimaadka adduunku oo ah in shaybaadh laga qaado qofkii laga shakiyaba cidii uu la kulmayna la daba socdo oo la soo helo, cidii xannuunka u soo dhacdayna la daweeyo, taladaasi ayaanu qaadaney, laakiin markii hore waa ay kala dhineyn oo waa aynu kala dhan taaleyn’’

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dawlada Imaaratku dalka keeneyso qalab kale oo caafimaad oo lagaga hortagayo xannuunka Covid-19.

‘’Sidoo kale waxaa aanu u mahad celineyna dawlada Imaaratka oo iyaguna qalabkaasi mid la mida ayaa la keenay qaybtiisi hore qaybtii danbena waa ay imaneysa waxaanu Qarankeenu awood u yeelanaya inuu ka maarmo in aynu ku tiirsanaano shaybaadho dibada ah, inagga lafteena cidii u baahan in ay hubbiso ayaynu ka caawin doonaa arrintaasina waa dadaalka aynu ku jirno ee Qaran, ee madaxweynuhu ku jiro, ee muwaadiniintu ku jiraan, ee dhammaan shirkadihii gaarka loolaha iyo urruradii kale ee bulshadu aynu gacan mideysan kaga hawl galney intaasi uunba lagaga libkeeni karaa, xannuunkani malaha dawo, xannuunkani malaha talaal laakiin waxaa uu leeyahay ka hortag, ka hortaguna waa go’aan u yaala qof kasta in tallooyinka caafimaadka ee loo sheegayo uu rumeysto”Ayuu yidhi wasiirku.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here