Xoghayaha Cusub Ee Gobolka Saaxil Oo Xilka Kala Wareegay Xoghayihii Hore

0
892

Berbera (HP): Xoghayaha cusub ee maamulka gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan, ayaa maanta si rasmiya xilkii ugala wareegay xoghayihii hore ee gobolka Saaxil.

Waxaana xilalka u kala wareejiyay xoghayaha cusub iyo xoghayihii hore ee gobolka Saaxil badhasaabka gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan.

Munaasibadda xil wareejinta xoghayaha cusub oo lagu qabtay xarunta gobolka Saaxil ee magaaladda Berbera waxaa ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Saaxil, maareeye ku-xigeenka dekadda Berbera iyo isu-duweyaasha wasaarradaha dawladda ee gobolka Saaxil.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay xubno ka tirsan agaasime-waaxeedyadda maamulka gobolka Saaxil, ka degmadda Berbera iyo masuuliyiin kale.

Badhasaabka  gobolka Saaxil oo hadal ka jeediyay munaasibadii uu xilka ugu kala wareejinayay xoghayihii hore iyo xoghayaha cusub  ayaa ku booriyay agaasime-waaxeedyadda iyo isu-duweyaasha wasaarradaha gobolka in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan xoghayaha cusub.

Eng. Axmed Cismaan Xasan, waxaanu sheegay in uu wanaagsan oo isku duubni ay ka muuqato uu ula shaqayn doono xoghayaha cusub.

“Isu-duweyaashii iyo agaasime-waaxeedyadii gobolka Saaxil ayaa halka fadhiya. Waa raggii aad wada shaqaynta dhaw aad lahaydeen.

Raggani waa gacmihii gobolka, ee hawlaha kala duwan ee qaranku u igmaday, mid waliba qaybtii kaga haboonayd ka hayo”ayuu yidhi badhasaabka Saaxil.

Waxaanu guddoomiyuhu intaas raaciyay in aanu xoghaye Nuux Maxamed Saleebaan ku cusbayn gobolka Saaxil, isla markaana uu muddo hore ka soo shaqeeyay.

Waxaanu yidhi,  “Munaasibadani xil wareejin iyo is-barasho labadaba way isa saran tahay. Waan ku soo dhawaynaynaa.

Waxaanan ku leenahay ku soo dhawaw shaqadda. Waxaanan kuu rejaynaynaa in aad shaqadda si wanaagsan u gudan doonto.

Kuma cusbid gobolkan Saaxil, nin hore uga tirsanaa ayaad tahay, oo sida la ii sheegay ama aan ogahayba, in aad ka mid ahayd macalimiintii ugu horeeyay ee Berbera wax ka dhigi jirtay”.

Maareeye ku-xigeenka dekadda Berbera, oo hadal kooba ka jeediyay munaasibadii xil-wareejinta ayaa sheegay in ay dhaw ula shaqayn doonaan xoghayaha cusub ee gobolka Saaxil.

Geesta kale Nuux Maxamed Saleebaan, xoghayaha cusub ee gobolka Saaxil oo xafladii uu xilka kula wareegayay ka hadlay ayaa sheegay inuu shaqadda halkii xoghayihii isaga ka horeeyay ka sii wadi doono.

Waxaanu balan qaaday in uu ku dedaali doono inuu shaqadda qaranka u gudan doono simasuuliyad, hufnaan iyo daadacnimo ku dheehan tahay, isla markaana aanu waxba ka hagran doonin intii karaankiisa ah.

Nuux Maxamed Saleebaan, ayaa ku amaanay masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera sida isku duubnaanta leh ee ay u wada shaqeeyaan, taasoo uu sheegay in ay ka muuqato gobolkoo dhan.

Waxaanu yidhi, “Waa wax lagu farxo, sida isku duubnaanta ah ee ay u wada shaqeeyaan masuuliyiinta gobolka Saaxil. Waxaanay ka muuqataa bilicda, quruxda iyo horumarka ka socda magaaladda Berbera”.

Sidoo kale xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Berbera, oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay xoghayaha cusub ee gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan, oo uu todobaadkii hore magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Dhinaca kale  qaar ka mida agaasime-waaxeedyadda oo madashaasi hadallo ka jeediyay ayaa dhamaantoodba balan qaaday in ay si wanaagsan ula shaqayn doonaan xoghayaha cusub ee gobolka Saaxil.

Kuwaasoo sheegay in ay hubaan in xoghaye Nuux Maxamed Saleebaan, uu yahay masuul ay hubaan in uu shaqadiisa si wanaagsan uga soo bixi doono, isla markaana aanu hadda ku cusbayn gobolka Saaxil oo uu hore uga soo shaqeeyay.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY