Wefti Ka Socda Itoobiya oo Soo Gaadhay Hargeysa

0
1952

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wafti balaadhan oo ka socda dalka Itoobiya ayaa goordhawayd soo gaadhay magaalada Hargeysa.

Weftigan oo wasiiro ahaa ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Waftigan oo ay siday diyaarad khaas ah, ayaa waxaa la filayaa in ay la kulmaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Imaanshaha waftigan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay Hargeysa yimaadeen wafti kale oo ka socda Dalka Masar, iyadoo ay socoto xiisadda webiga Niilka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here