Guddida Qorshaynta Dhulka oo Go’aamo Soo Saaray

0
1261

Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddidii wasiirrada ahaa ee uu madaxweynuhu u magacaabay qorshaynta iyo nashqadaeynta magaalooyiinka dalka oo maanta yeeshay kulankoodii labaad ayaa falanqayn ka yeeshay nashqadeynta magaalada Ceerigaabo.

Kulankan oo ay guddidu ku yeesheen xarunta wasaaradd Hawlaha guud, Dhulk iyo Guriyeynta, waxay kaga hadleen qorsheynta iyo nashqadeynta magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Markii uu kulankaasi soo dhamaaday waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyey wasiirka wasaaradda Hawlaha guud, Dhulk iyo Guriyeynta Cabdirashiid Ducaale Qambi, oo sheegay in ay guddidu tixgaliyeen codsi uga yimid maayarka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo uu ku codsaday in qorshe iyo nashaqad cusub loo sameeyo magaalada Ceerigaabo, wuxuuna intaas ku daray in guddidu tixraacday xeer Lr 17 qodobkiisa shanaad farqadiisa koowaad oo tilmaamaysa in guddidu ogolaato marka maayarka degmada uu ka yimaado codsi ku saabsan nashqadeynta magaalada uu maayarka ka yahay.

Wuxuuna wasiirku intaas raaciyey in guddidu go’aamisay in wasaaradda Hawlaha guud, Dhulk iyo Guriyeynta ay nashaqdeyn cusub u samayso magaalada Ceerigaabo isla markaana ay wasaaraddu raacaydo xeerarka iyo qorshaha wasaaradda ee ku aadan dhulka.

Sidoo kale, waxa ay guddidu soo saareen in ay dhawaan kormeer ugu baxayaan gobollada dalka, iyaga oo dabagal ku samaynaya go’aamadii hore guddida uga soo baxay ee la xidhiidhay dhulka danta guud ee ay dawladaha hoose gacanta ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here