Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Sanadkii 2021-kii

0
468

Hargaysa (HP): Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah waxqabadkii wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ee sanadkii tegay ee 2021-kii.
Waxaanay qaybtani ku soo baxday buugii waxqabadka xukuumadda madaxweyne Muusu Biixi, ee dhawaan la soo bandhigay.
Waxaanay u dhignayd sidan:

Waajibaadka iyo masuuliyadaha ugu cul-culus ee ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu u xil-saaran tahay waxaa ka mid ah, ilaalinta iyo ka shaqaynta amniga qaranka iyo sidoo kale dhisida iyo hirgelinta maamulada Gobolada iyo Degmooyinka.

Sidaa darteed, Xukuumadda Somaliland dedaalka ugu weyn, caqli, ciidan iyo dhaqaale ba waxay gelisaa suggida nabad-gelyada iyo xakamaynta falalka amni-darro. Iyada oo Somaliland safka hore kaga jirto meelaha ugu nabdoon guud ahaan dunida, gaar ahaana gobolka Geeska Afrika.

Amniga Gudaha

Sidaa darteed, sanaddka 2021, waxyaabaha laga qabtay la tacaalida amniga, xasiloonida iyo sidoo kale deminta shaqaaqooyinkinka, waxa ka mid ahaa.

1- waxaa culays weyn la saaray xakamaynta iyo soo af-jaridda shaqaaqooyin iyo iska hor-imaadyo dhex maray ardaayo walaalo ah oo ka mid ah dadka ku dhaqan gobolka Sool, gaar ahaana degmooyinka Adhi-caddeeye iyo Xudun, iyadoo masuuliyiinta laamaha amniga ee Xukuumadd iyo qaar ka mid ah oday dhaqameedyada gobol Sool ay muddo bil ka badan u fadhiyeen gobolkaa xal u belidda shaqaaqooyinkaas, taas oo wax badan ka tartay nabad-gelyada. Waxaa kaloo, xusid mudan in kaalinta aad u weyn ay ciidammada kala duwan ee dalku ku lahaayeen dejinta colaaddaas iyo hirgelinta nabadayntiiba.

Qaybaha kale ee Waxqabada Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL halkan kala soco.

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here