“Waxay Ila Tahay Inaan Madaxweynuhu Ka Warhayn Arinta Dilka Saraakiisha” Xildhibaan Rayte

0
905

Hargeisa, (HargeisaPress) — Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo Ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inuu filayo inaan Madaxweyne Siilaanyo war ka hayn Dilka loo gaystay Saraakiishii Qorilugud lagu dilay oo aan ilaa hadda la hayn Askariga dilay. Waxa uu arin la yaab leh ku tilmaamay in Madaxweynuhu ka aamuso Dilka Saraakiishii Ciidanka Jiida hore hogaaminaysay.

“Waa arin Naxdin leh, waa arin laga yaabo, waa arin aan laga filaynin in Madaxweynuhu iyadoo Geeridaasi inoo taalo oo Geeri weyn ah oo Saraakiisheenii Ciidanka Qaranka ee Jiida hore joogay lagu laayay aanu ka hadlin ilaa hadda Madaxweynihii dalku. Waxaan filayaa dad badan baa tilmaami jiray ama sheega inaanu Madaxweynuhu waxyaabo badan oo dalka ka dhacaya la socon, waxay ila tahay inay arintana la mid tahay oo aanu la socon.” Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Xildhibaan Rayte waxa kale oo Xukumadda ku dhaliilay sida ay Rasaas ugu adeegsatay dadweynaha Gabiley oo jimcihii Mudaharaadayay ka dib dilka Saraakiisha Militariga oo ka soo jeeda goboladaasi darteed. Waxa uu sharci daro ku tilmaamay in dad cadhaysan oo ka gadoodsan sida Xukumaddu uga aamustay Shilka Saraakiishaasi ku dhacay rasaas loo adeegsado.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here