“WAXAAN MAQLI JIREY DALKA JABUUTI QOFKII DAWLADDA SOO HADAL QAADA, LEYDHKA IYO BIYAHA AYAA LAGA JARAA” MUJ. CALI XARAARO

0
902

Waxaan ahay nin arkayaa

Waxaan uunka u muuqan

Oo keligii anfariir siiyey

Umadyey i dhegeysta

Ergedaan ahay maanta

Hadaydaan ii adeecin

Ilaahay belenkii ibtilaa dhici doonto

Oo halkay eyro ku foofto

Afrikaan mad madaw iyo Oromaa degi doonta.”………… Waxa yidhi AHN Abwaan Gaariye

Mujaahid-Cali-XaraaroWaxaan uuga socdaa diida ama ha diidina haduu dalka sii joogo kacaan beeleedka Axmed siilaanyo, waxa arki doontaan Xamar oo nabada iyo Hargeysa oo ay xabadu ka socoto, hadaad u fiirsato sida wax loo wado, waynu arkaynaa nidaamka dadka lagu maamulayaa waa mid khatar teeda ku leh mustaq balka rejedii yarayd ee dadku ku wada fadhiyey, waxaan maqli jirey dalka Jabuuti qofkii dawlada soo hadal qaada leydhka iyo biyaha ayaa laga jaraa si nolosha qofku cidhiidhi u gasho meeshuna waa kuleyl xad dhaafa hadii bina aadamku sheegi kari waayo aragtidiisa waa arin aad u fool xun, aakhir kana waxay keentaa dhiig dhulka qul qula imika kacaan beeleedka axmed siilaanyo wuxuu sameeyey inuu dadka u kala qaybiyo dad ay quudiyaan oo ay masaariif yar siiyaan iyo intii badnayd oo kolna loo hanjabo kolna loo diyaariyo kuwa aflagaadeeya waxaad arkaysaa nin weyn oo shalay ka hadli jirey xumaanta iyo dhibaatada uu kacaan beeleedku dalka ka wado oo hadana maanta inta la geeyo tv.ga ka amaanaya wixii uu shalay dhaliilayey waxa kuu muuqanaya in qofkan la eegayo oo cid ka baqayo waxa kale oo jira nin weyn oo aad wax badan ku aamini lahayd oo kugu odhanaya anigu arinkan kama hadli karayo ee adigaa ka hadli karayee ka hadal.Sebenkii xumaadaba ragbaa sahayda naanays kuwa siinka bawdada marssaday wey sejeleyiin anigu waxaan ku soo xidhayaa waar intaanay idinku dumin haweenka iyo caruutiina bed baadiya oo waxan yar ee macaanka moodeysaan qadhaadh ayuu ku damaynayaa.

 

 

Qalinkii: Mujaahid Cali xaraaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here