“Waxaan ka digayaa in madax dhaqameedka Sool ay soo saaraan go’aamo…”

0
583

Boorama (HP): Sheekhul-baladka magaaladda Boorama sheekh Cabdilaahi sheekh Cali Jawhar, ayaa ugu baaqay madax dhaqameedka gobolka Sool in aanay shirkoodda Laascaanood ka soo bixin qodobo wax u dhimaya qaranimada Somaliland.

Waxaanu sheegay sheekh C/laahi, in madax dhaqameedka Sool ay aad uga fekeraan go’aamadda ay ka soo saarayaan shirkoodda.
Isagoona ka digay in aanay soo saarin go’aamo wax u dhimaya wada jirka, wada noolaan shiyaha, iyo nabad geliyadda bulshadda reer Somaliland.

Sheekh C/laahi sheekh Cali Jawhar, oo ka hadlay magaaladda Boorama, waxa uu sheegay in bulshadda reer Sool ay xor u yihiin in ay shiraan, oo ay ka shaqeeyaan midnimadoodda.

Hase yeeshee waxa uu sheekhu ku adkeeyay Garraadadda Sool in ay mar kasta ka shaqeeyaan sidii bulshadu u gaadhi lahayd nabad-geliyo, iyo horumar.

Geesta kale xukuumadda Somaliland ayuu ku amaanay in aanay hor isgaagin shirka madax dhaqameedka Sool uga socda magaaladda Laascaanood.

Sidoo kalena loo ogolaaday in ay qabsadaan shirkoodda oo ay haayahoodda iyo midnimadoodda ka tashadaan, iyadoo aanay xukuumadda Somaliland mar na ba kula kicin wax carqalad ah.

Dhinaca kale sheekhul beledka Boorama, ayaa ka sheekeeyay taariikhiyan kaalintii ay waxgaradka bulshadda Sool ku lahaayeen dhismihii Somaliland.

DAAWO: Sheekul Beledka Boorama Oo Baaq U Diray Madax Dhaqameedka Sool:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here