“Waxa La Gaadhay Waqtigii La Qiimayn Lahaa Hogaamintiisa. Kadib markii uu Faysal A. Waraabe ka Baxay Xayndaabkii Sharci, Kuna Tuntay Xeerkii UCID iyo Xeer lr.14/11”. Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga Ucid

0
1037
Mohamed Gacayte.

Hargeysa, (HargeisaPress) —Sidaad lawada socotaan waxaanu gudbinay dacwad ka dhan ah Faysal A. Waraabe, mudada ay dacwadaasi socotana inaanu ahayn Guddoomiye matali kara Xisbi Qaran, lana gaadhay waqtigii la qiimayn lahaa Hogaamintiisa. Kadib markii uu Faysal Cali Waraabe ku tuntay Dastuurkii Xisbiga, ee uu curyaamiyay dhamaan hay’adihii Xisbiga UCID ee ku xusnaa Xeerka UCID iyo Xeer lr.14/11, Sidoo kale caadaystay maamul xumo, kelitalisnimo iyo musuqmaasaq.

 

Inta badan wuxuu si joogto ah magaca Xisbiga UCID ku gaadhaa go’aamo uu keli ku yahay, oo aan cid xisbiga ka tirsan oo ku wehelisaa jirin, qaarkoodba aanu awood sharci u lahayn.Wuxu caadaystay in uu xisbigii kelidii gaar u sheegto, isgoo masuuliyiinta sare ee xisbiga qaarkoodna ku sheegay marti, qaarkoodna sheegay in uu isagu keensaday ama keenay, qaarna sheegay in uu ka saaray, kuwaas oo khilaafsan Qod:26(2) ee Xeerka UCID.

 

Sidoo kale Wuxuu maroorsaday oo ku tagrifalay awoodihii Shirwaynaha, Golaha, dhexe iyo Guddida Fulinta, kana dhigtay meherad uu kaligii leeyahay isagoo mar walba yidhaa Aniga….Aniga….Aniga. UCID waa xisbi qaran cid gaar u sheegan kartaa ma jirto. Ucid Xisbi Qaran wuxuu ku noqday 120,000 (boqol iyo labaatan kun oo cod) oo kala jooga dhamaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland, sidee bay u dhici kartaa inuu Faysal kaligii sheegto. Waxaan leeyahay waxa dhici karta maaha faysalna wuu riyoonayaa bal xiliga uu soo baraarugo ayaa la eegi.

 

Sidaas darteed Maanta xisbiggii dacwad buu ku jiraa, dacwadaas waxa ugu waynina ahayd Faysal oo ka baxay xayndaabkii sharci si ka baxsan awoodahii xeerku siiyay, isagoo si cad iskaga indhotiray islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamay Heshiisyadii Labada Garab iyo Go,aanadii Golaha Dhexe ee uu isagu gacantiisa ku saxeexay, Waxa is haystaana Waa Faysal iyo UCID.

 

Hadaba mudadaa dacwada ay gacanta ku hayaan guddida diiwaangalinta waxay soo saareen digniin ku socota labada dhinac iyagoo ku amray inaannay wax talaabooyin ah qaadin, ilaa inta uu go,aan kasoo baxayo. Sidaas darteed faysal oo Hogaamintiisii ay laalantahay dacwadni ku socoto inuu yidhaa talo qaran baan ka qayb gelayaa, waxaan leeyahay faysal ma matali karo xisbiga, goaan uu kali ku yahay noqon maayo mid katurjumaya ucid ilaa inta goaan ay kasoo saarayaan dacwada guddida diiwaangalintu ay gacanta ku hayso.

 

Ilaahay Sida Khayrku Ku Jiro Hayna Waafajiyo

 

Maxamed Aadan Gacayte

Masuul Ka Tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID

Hargeysa/ Somaliland

Gacayte09@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here