Ururka SOMA Oo Tallooyin Muhiima Oo La Xidhiidha Doorashada U Soo jeediyey Warbaahinta Online-ka Somaliland.

0
741

“Waxaan ugu baaqayaa Warbaahinta Online-ka Somaliland inay muujiyaan xil-kasnimo iyo waddaniyad,kana fogaadaan wararka kala qeybinaya umadda xiligan lagu jiro ololaha” Gudoomiyaha Ururka SOMA Mustafe-Janaale

Hargeysa(HargeisaPress):- Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA),ayaa ugu baaqay warbaahinta online-ka inay muujiyaan xil-kasnimo iyo waddaniyad, kana fogaadaan wararka been abuurka ah iyo kuwa bulshada kala geynaya xilligan xasaasiga ah ee lagu jiro ololaha doorashada Madaxtooyada iyo ta Ururrada siyaasadda ee lagu wado inay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoonto 13-ka November 2024.

Waxa kaloo Ururka SOMA ku guubaabiyay inay taxadir sameeyaan muddada la sugayo natiijada doorashooyinka oo aanay baahin warar aan sugnayn oo aan ka soo bixin isha sharciga ah ee Komishanka doorashooyinka Qaranka.

Sidaasna waxa Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA), Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) ku sheegay bayaan uu soo saaray maanta,kaas oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee HargeisaPress waxaanu u dhignaa sidan:-

1. Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA),waxa uu uga baaqayaa Suxufiyiinta ka hawlgala hay’adaha Warbashinta Online-ka gudo iyo dibad-ba inay dhowraan anshaxa Saxaafada (Ethics of Journalism), isla markaana baahiyaan warar sugan oo leh ilo wareedyo lagu kal-soonaan karo xiligan xasaasiga ah ee lagu jiro ololaha doorashada iyo marka la dhiibto codka-ba, islamarkaana iska ilaaliyaan baahinta wararka been abuurka ah ee keeni kara jaahwareerka iyo khalkhalka amni.

2. Ururku wuxuu u soo jeedinayaa suxufiyiinta Somaliland in aanay ku dhex milmin ololaha Doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda oo dhex u ahaadaan dhinacyada tartamaya.

3- Ururku waxa kale oo uga digayaa Warbaahinta Online-ka Somaliland ee SOMA in aanay buunbuunin wararka dacaayada ah ee cadowga Somaliland isku dayayaan inay shaki iyo mugdi ku geliyaan aragtida gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay aaminsan yihiin dhammaan Madaxda iyo Siyaasiyiinta Somaliland, Muxaafad iyo Mucaarid-ba. kuwaas oo ilaa maanta la asqaysan masayrkii ay ka qaadeen heshiiskii is-afgarad (MoU)-ga ee dhex maray labada dowladood ee Somaliland iyo Itoobiya horaantii sannadkan 2024.

4. Ururka SOMA wuxuu cod dheer ugu sheegayaa Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland in isha sharciga ah ee natiijada doorashada laga qaadanayaa ay tahay Komishanka doorashooyinka,isla markaana aan la qaadan wararka ku tiri ku teenka ah ee nashuushadeyn kara natiijada doorashooyinka. Waxana habboon in laga fogaado dhawaaqyada iyo malo-awaalka ka soo yeedhi kara dad aan xil kas ahayn; ama qaar cadowga dalku uu ku doonayo inay fidmo kaga abuuraan Jamhuuriyadda Somaliland.

5. Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA),waxa ku midoobay suxufiyiinta xirfadleyaasha ah ee ka socda mareegaha (Website’s),Youtube-yada, iyo Bogagga Facebook-ga ee ay maamulaan suxufiyiinta sida weyn loo aqoonsan-yahay ee ka hawlgala Somaliland, isla markaana yaqiinsan doorka warbaahinta Online-ku kaga jiraan geedi socodka dimuqraadiyadda, dhismaha, iyo iib-geynta qaddiyada Somaliland,isla markaana hay’addaha Warbaahinta Online-ka ahi yihiin tix-raaca ugu muhiimsan ee duniddu ka daalacato dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca Somaliland.

Sidaa awgeed,waxaan ku boorinaynaa Weriyayaasha ka hawlgala hay’addaha warbaahinta Online-ka Somaliland gudo iyo dibad-ba inay garwaaqsadaan in waxyaabaha ay baahinayaan inay qeyb ka noqon doonaan taariikhda beri iyo weliba heerka ay ka soo qaateen dhismaha qaranka Somaliland.

HargeisaPress – 
Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here