Kulan Dhexmaray Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Masuuliyiin Ka Socda Safaarada Taiwan

0
1076

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, Xasan Maxamed Cali Gaafadhi, ayaa xafiiskiisa ku qabiley  wefti uu hoggaaminayo safiirka safaarada Taiwan Mr. Allen Luu iyo masuuliyiin kale oo ka socoda dalka Taiwan.

Kulankan, ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasime Ku-xigeenka Cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Cadnaan Cabdoo.

Kulanka weftiga iyo wasiirka, ayaa qaatay sacaado badan, kaas oo lagaga wadahadlay arrimo badan oo la xidhiidha horumarinta adeegyada caafimaadka Somaliland.

Kulkani, ayaa intii uu socday lagaga wadahadlay horumarin iyo balaadhin lagu sameynayo cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana dib u habaynta iyo casriyaynta lagu sameynayo waxa Somaliland ka caawinaysa Taiwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here