Wasiirka Hawlaha Guud iyo Xildhibaano Gurmad Biyo ah Gaadhsiiyay Qoryaale

0
1259
Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guryaynta iyo gadiidka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan)

Burco,(HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta mudane Cali Xasan Maxamed iyo afar xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Burco ayaa booyado Biyo ah ugu deeqay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degamada Qoryaale iyo deegaanka Gabagabo.

Deeqdan biyaha ah oo ka koobnayd afar iyo afartan booyadood oo Biyo ah, ayaa waxaa ku deeqay, Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta mudane Cali Xasan Maxamed, iyo afar xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen, Xildhibaan Siciid Axmed Maxamed, Xildhibaan Axmed Cabdi Dhimbiil, kuwaasi oo mushaharkoodii ku deeqay.

Deeqdaasi biyaha ah waxa guddoomay isla markaana u qaybiyay dadkii loogu talo galay ee ay abaaruhu saameeyeen, Guddida iyo Odayaasha degaankaasi, waxaanay u mahad naqeen wasiirka wasaaradda Hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) iyo xildhibaanada mushaharkooda qaadhaanka ku darsaday.

Guddoomiyaha guddida deegaanada Qoryaale iyo Gabagabo Sheekh Aadan, ayaa ugu horrayn hadal ka jeediyay goobtii lagu qaybinayay deeqdaasi Biyaha ah, waxaanu yidhi “Amaan badan baanu u soo jeedinaynaa dadka xasuustay wakhtiga lagu jiro, oo wasiirku kow ka yahay iyo xildhibaanadaa iyaguna qaadhaanka ku darsaday ee u huray deegaanadii ay ka soo jeedeen ama ay matalayeen, markaa taas ayaanu galabta bixinaynaa.”

Guddoomiyaha guddida deegaanada Qoryaale iyo Gabagabo, waxa kale oo uu intaasi ku daray “Waxaa noo muuqatay, maadaama oo aanay dadka wada gaadhaynin in loo baahan yahay in la yidhaahdo yaa ugu baahi badan. Ciddaa ugu baahida badan cidda xogta ka haysaana ay tahay cuqaasha iyo haldoorka kale ee la shaqeeya, waxaanu qaybinaynaa galabta afar iyo afartan booyadood oo Biyo ah.”

advertisements

Caaqill Axmed Maxamuud Gaade, ayaa isaguna hadal ka jeediyay halkaasi waxaanu si gaar ah ugu mahad naqay Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta mudane Cali Xasan Maxamed iyo afarta xildhibaan ee ka qayb qaatay qaadhaanka, waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta mudane Cali Xasan Maxamed oo ina soo gaadhsiiyay xoolahan iyo deeqdan biyaha ah ee lagu waraabinayo dadka jilicsan ee waxba iska bixin kari waayay, waxa kale oo aan u mahad naqayaa Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen, Xildhibaan Siciid Axmed Maxamed, Xildhibaan Axmed Cabdi Dhimbiil iyo duqa degmada Burco Maxamed Muraad.”

Guddoomiye ku xigeenka guddida deegaanada Qoryaale iyo Gabagabo Hurre Ibraahin Warsame (Hurre Walanwal) ayaa isaguna u mahad naqay wasiirka iyo xildhibaanada waxaanu yidhi “Waxaan aad u bogaadinayaa wasiirka lacagtaas u hogaanka ah ee soo dhiibay ee ugu deeqay dadka aadka u jilicsan ee harraaday iyo afarta xildhibaan ee musharkoodi gooyay.”

Oday Siciid Cali Dacar ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi ‘Waxaanu halkan uga mahad celinaynaa xildhibaanada golaha deegaanka Burco ka tirsan oo ku deeqay musharkoodii oo yidhi waxaanu kaga qayb galaynaa gurmadka abaaraha iyo maayarka Burco Maxamed Muraad oo arrintaa nagala hawl-galay.”

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here