Wasiirka Gaadiidka Oo Talaabo Dhabar Jab Ku Ah Shaqada Qaranka Ku Kacay Kadib Markuu Heshiisyo Gaara La Galay.

0
956

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada horumarinta jidadka ayaa la sheegay inuu sifo leexsan haeshiis ula galay madaxa SDF Antony, heshiiskaas oo uu u kala dabqaaday Yaasin Cali Aadan oo hore u ahaan jiray gacan yaraha Xirsi Xaaji Cali Xasan wakhtigii xukumadii silanyo uu maamulka wadooyinka hayay.

Arintan ayaa ah mid ugub ku ah wasaarada jidadka oo aanay hore u dhicin in wasiiradii xukuumadihii somaliland ee kala danbeeyay ay sameeyaan, maadamo ay ahayd ama tahay ba awoodaha maareeyaha, haayada wadooyinka shaqadiisi iyo awoodihiisii saxeex ee uu lahaa. Sida ay qortay Shabakadda Wararka ee Marsanews.com

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in wasiir Cabdilaahi Abokor iyo Antony ay si gaara heshiiska u wada galeen iyadoo ujeedada ay ka leeyihiina ay tahay mid salka ku haysa lunsi hanti loogu talogalay hirgalinta mashaarico horumarineed oo wadooyinka ah.

Waxa xusid mudan in arintan aanay hore u samaynin marnaba wasiiradii hore ee badiba musuqmaasuqa lagu eedayn jiray oo ay ka xishoodeen, Halkan Wasiirkan haatan ka arimiya wasaarada jidadku uu si badheedha ugu dhiiraday, talaabadaasi baalmarsan hanaanka maamul, islamarkaana ujeedadeedu tahay dheefsiga hantida qaranka.

Madaxa mashruuca SDF ee horumarinta jidadka Antony ayaa la sheegay inuu arintan ku soo qanciyay Yaasiin Cali Aadan oo isagu ka ah hawshan dilaalka u dhaxeeyay wasiir Abokor iyo Antony, heshiiskaas oo haatan ay si wada jira qalinka ugu duugeen, balse ah mid qaranka ku ah fadeexad qaawan gaar ahaan xukuumada madaxwayne biixi oo iyadu mudooyinkan danbe waday baadhiso ay kula tacaalayso musuqmaasuqa.

Shacbiga reer somaliland ayaa indhaha ku haya talaabada uu ka qaato arintan madaxwayne biixi oo isagu in badan fagaarayaasha ka sheega inuu dirir kula jiro maamul xumida iyo ku tumashada shuruucda kala xadaysa nidaamka maamul ee dalka iyo waliba cidhib tirka musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here