Wasiirka Duulista Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Berbera Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

0
1030

Berbera, (HargeisaPress) —Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa maanta Gaadhay Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, waftigan ayaa si balaadhan ay u soo dhaweeyeen Dadweyanaha iyo Masuuliyiinta Magaaladaasi, soo dhaweynatan ayaa salka ku haysa Wasiir Farxaan Aadan Haybe oo dadka deegaankaasi ay si fiican u soo dhaweeyeen.

 

Wasiir Farxaan ayaa ka dareen celiyey soo dhaweyntaas qaaliga ah, isaga oo la hadlaaya Dadweynahasi, iyo Masuuliyiinta Magaaladaasi ayaa waxa uu yidhi:-“ marka hore waxaan u mahad celinayaa Alle subxaanahu wa tacaala, marka labaad waxaan u mahad celinayaa Dadweynaha qaybiihiisa kala duwan, Madaxda Sulaadiinta Cuqaasha Gobolka Saaxil, gaar ahaan Degmada Berbera sida qiimaha leh, ee sharafta leh, iigu soo dhaweeyeen Magaaladaydii oo ah sidii la sheegay halki aan ku dhashay, iyo Magaaladaii aan ku koray ku hana qaaday, ee Magacayga iyo milgahaygu ka soo baxay, waan u mahad celinayaa.”

 

Wasiirka oo cabiraaya Miisaanka Magaaladaasi ayaa yidhi:-“waa Magaalo qiimo leh oo Taariikhi ah oo Dalkan qiimo weyan ku leh, Dadkeeduna qiimoweyan, karaamo, iyo sharaf weyan ay dadka ku leeyihiin, waxaan Ilaahay ka rajaynayaa Subxaanu Wa Tacaala in ay Magaalada noqoto halkii loo soo tahriibi lahaa, waanay noqonayasaa Wakhtiga ayuun baanan garanayne, oo ay noqoto Dubai Somalilanad, ama Africa.”

 

Wasiirku waxa uu ku sheegay ujeedka socdaalkiisa oo uu yidhi:-“waxaan halkan u imi mahad naqaa ka dib, Madaarku wuu furnaa in aynu duulimaadyadiisii aynu dib u bilawno, oo ay 1/11/2016 ay bilaabayso duulimaadkii ugu horeeya diyaarada Air Jabuuti Insha Allh, laakiin imika aan u imi in aanu eegno qiimayno wixi baahiyo ah ee jira la sii toosiyo, iyada oo tiimkan ila socdaa marka anigu aan noqdo ay iman doonaan, tiim wixii aanu sugno ee aanu qiimayno, wax ka qaban doona oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirku.”

 

Daawo sawiradda Soo dhaweynta

14691052_1771325126418104_8231857838516936693_n

14731150_1771325743084709_7835103116128958019_n

14642374_1771326183084665_5275321595028679015_n

wasirka du

14716267_1771326353084648_3552156619861096899_n

14650085_1771326219751328_5054977148821996007_n

14708203_1771326699751280_7050285341541802939_n

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here