Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka hadlay Dhallinyaro Shalay Magaalada Hargeysa ku qabtay Bandhig ay ku xayeysiinayeen Dharka reer Galbeedka, kaasi oo Shacabka qaarkood u arkeen Dhaqan-xumo.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed wuu Cambaareeyay bandhigaasi waxaanu sheegay inuu yahay dhaqan Xun oo ku so kordhay Somaliland.
HargeisaPress News Desk —Hargeysa