Baashe Cawil oo ugu baaqay Beesha Caalamka inay Aqoonsato Somaliland

0
2865

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wakiilkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa sheegay in loo baahan yahay inay Beesha Caalamku aqoonsato Somaliland oo ay ka waantowdo dhawaaqa ay ku celceliyaan ee ah “Somaliland iyo Soomaaliya ha ka heshiiyaan arrimahooda.”

Danjire Baashe Cawil, wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), Waxaanu ku dooday in wadahadalladii soo bilaabmay 2012kii ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya aanay ka soo bixin wax macne lihi.

Baashe Cawil, ayaa waxaa uu tilmaamay in 11 wareeg oo wadahadal ah horusocod iyo midho-dhal laga waayay dhinaca Soomaaliya.

Sidoo kale, Wuxuu xusay inay Somaliland tahay dal madaxbannaanidiisa ay hore u aqoonsadeen 35 dal. Waxaanu hoosta ka xariiqay in tan iyo 1991kii ay Somaliland dalkeeda ka hirgelisay, nabad, dimuqraaddiyad isla markaana ay ka caagan tahay argagixisada.

Baashe Cawil, wuxuu caddeeyay in aqoonsiga Somaliland uu yahay mid isa soo taraya oo caalamku garwaaqsanayaan xaqiiqada dhabta ah ee qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland. Kaasi oo ay dani ugu jitto xasiloonida mandaqada oo dhan.

https://x.com/BasheOmar1/status/1930971828509421836?t=HoEVHivkFyE92u0DpOKZ8g&s=19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here