Minnesota (Hargeisa Press)- Xildhibaan Jaamac Abokor Dubbe oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa uu kulan ballaadhan uu la qaatay madaxda ugu sarraysa Golaha sharci dejinta ee gobolka Minnesota.
Xildhibaan Jaamac Abokor Dubbe, ayaa waxaa kale oo uu kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Baarlaamanka Minnesota Mr. Jay Xiong.
Sidoo kale, Xildhibaanka oo xarunta Baarlaamanka Minnesota lagu casuumay, ayaa baaq xaasasi ah oo ku aadan Somaliland u soo jeediyey Xildhibaannada Baarlamaanka Minnesota.
Xildhibaan Jaamac Abokor Dubbe, ayaa Xildhibaannada Minnesota u soo jeediyey in ay booqasho ku yimaaddaan Somaliland si ay indhahooda ugu soo arkaan horumarka ay Jamhuuriyada Somaliland ku tallaabsatay ee ku saabsan Dooroshoyinka iyo Dimuqraadiyada iyo wax wada qabsiga.