Wasiirka Daakhiliga Oo Shir La Qaatay Guddida Taakulaynta Suuqa Waaheen iyo Safiirro

0
897

Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa maanta shir gudoomiyey kulan ay ka soo qayb galeen guddida Gurmadka Taakulaynta Suuqa Waaheen iyo qaar ka mid ah safiirada Somaliland u jooga Beesha Caalamka.
Kulankan oo muddo saacado ah ka socday Wasaaradda Arimaha Gudaha, waxaa diirada lagu saaray khasaarihii ballaadhnaa ee uu sababay dabkii kacay Suuqa wayn ee Waaheen, habeenimadii sabtida, kaasoo geystey burbur wayn oo dhaqaale.

Shirkan waxaa la iskula qaatay in si qoto dheer loo qiimeeyo khasaaraha ka dhashay dabkii kacay Suuqa Waaheen,iyada oo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ka war bixiyey xalka xaaladu maraysay, sidoo kale safiirada la wadaagay Jawaabigii ay soo diraan madaxda calaamku, kuwaasoo muujiyey sida ay uga xunyihiin dhibta gaadhay Suuqa Ganacsiga Waaheen.
Safiirada ayaa iyana dhinocooda sheegay sida ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladaba ay ula dareen yihiin dhibaatadaa soo gaadhay Shacabka Somaliland, iyaga oo dheegay in ay Dawladihoodana ay si rasmi ah kula wadaageen dhibaatada dhacday, iyada oo maalmahan ay dalka soo gaadhayaan Wufuud ka socota Midawga Yurub, Mareykanka iyo Qaramada-midoobay.
Wasiirka Arimaha Gudaha waxaa kulankan ku wehelinayey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Cabdirisaaq Albaani Xuseen Cali, Wasiir Kuxigeenka Maamulka Gobolada iyo Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Naasir Caydiid Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Muuse Ibraahim Selef, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Maxamed Cilmi, Agaasimaha Guud Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali, Maayarka Caasimada Hargeisa, Cabdikariim Axmed Mooge, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid,Taliyaha Madaxweynaha Dr. Maxamed Warsame, gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeisa Jaamac muuse Jaamac iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.
Dhinaca kale waxaa ka soo qayb galay kulankan Safiirka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland 1- Mrs Lizzia Walker, 2- Mathias Kjear Head of DANIDA, 3- Adnaan Hagoog Somaliland Focal Point European Union iyo Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland Ambassador Allen.
ALLAA MAHAD LEH

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here